Site icon Daruur درور

In lagu toosnaado cibaadada

In lagu toosnaado cibaadada

In lagu toosnaado cibaadada

Wuxuu leeyahay Alle:

(إِنَّ الَّذِينَ قَالُوا رَبُّنَا اللَّهُ ثُمَّ اسْتَقَامُوا تَتَنَزَّلُ عَلَيْهِمُ الْمَلَائِكَةُ أَلَّا تَخَافُوا وَلَا تَحْزَنُوا وَأَبْشِرُوا بِالْجَنَّةِ الَّتِي كُنْتُمْ تُوعَدُونَ)

(Kuwa yiri rabbigeena waa Alle hadana toosnaaday waxaa ku soo dagta malaa’igta (markey dhiman iyadoo ku dhihi) ha cabsanina hana murugoonina, kuna bishaareysta jannadii laydiin yaboohay)

Waqtiga waa cibo, Alle wuxuu leeyahay – subxaanahu –:

(وَهُوَ الَّذِي جَعَلَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ خِلْفَةً لِمَنْ أَرَادَ أَنْ يَذَّكَّرَ أَوْ أَرَادَ شُكُورًا)

(Waa Allaha uga yeelay habeenka iyo maalinta Isbaddel qofkii doona inuu wax xusuusto ama doono inuu mahdiyo),

in la daa’imo daacooyinka iyo cibaadiiyinka waa u hoggaansamid loo hoggaansamayo oraahda Alle:

 

(وَاعْبُدْ رَبَّكَ حَتَّى يَأْتِيَكَ الْيَقِينُ)

(Caabudna rabbigaaga intay yaqiintu kaaga timaaddo)

iyo hadalka Alle:

(فَإِذَا فَرَغْتَ فَانْصَبْ* وَإِلَى رَبِّكَ فَارْغَبْ)

(Ee markaad salaadda dhammayso isku dhib (Samo fal) * Allana (Khayr) ka rajee),

Exit mobile version