Site icon Daruur درور

Ilhan Omar maxay u taageertay khaniisnimada

Khaniisnimada samanka waxay noqotay reer galbeedka arrin ay xoogga saarayaan.

waxaad arkaysaa magaca xoriyadda inay u adeegsanayaan nin inuu nin kale fuulo ama naag inay naag kale ku raaxaysato.

casrigan kahor falalkan adduunka oo dhan wuxuu u arki jiray wax xun oo liita.

qaanuunka y gaalada sameysteen xitaa uma oggolaan jirin waagii hore inay is guursadaan labo nin ama labo naag.

Ilhan Omar maxay u taageertay khaniisnimada
Ilhan Omar maxay u taageertay khaniisnimada

maxaayeelay arrintaas waxay khilaafsan tahay fidrada aadanaha xitaa xayawaanka.

ma arkaysid xayawaan lab ah oo fuulaya xayawaan kale lab ah sidoo kale xayawaan dheddig ah oo fuulaya xayawaan kale dheddig ah.

waxaa ugu horreeyay dadka bilaabay falkan nin inuu nin kale fuulo waa qoom luud, Ilaahay wuxuu usoo diray nabi Luud oo aad uga digay falka ay sameynayeen oo ahaa rag inay dabada ka fuulaan naagaha ay ka tagaan.

qoom luud way diideen farriintii nabiga Ilaahay usoo diray way madax taageen waxayna doorteen falka galmada raga.

Ilaahay wuxuu marsiiyay cadaab aad u daran marka ay diideen dhagax ayuu ku baabi’iyay dhamaantooda, wuxuuna badbaadiyay Nabi luud (CS) iyo dadka isaga rummeeyay.

Diinta islaamka waxay ku tirisay u tagidda raga inay ka mid tahay dambiyada ugu waaweyn xitaa sinada ayuu ka daran yahay dambiga raga in futada laga fuulo.

marka qofka markuu falkan sameeyo isagoo aaminsan inuu xaaran yahay wuxuu ku dhacay  dambi aad u weyn waa inuu ka towbad keenaa falkan foosha xun.

laakin qofka marka uu yahay qof falkan sharciyaynaya oo u dagaallamaya ma aha qof dambigan galaya kaliya waa qof Ilaahay ka hor yimid oo aan u qirsanayn ilaahaynimada.

maxaayeelay Ilaahay ayaa reebay falka qoom luud in la sameeyo, qofka amarkaas diido muxuu ka sheeganayaa islaamnimada.

marka wadaadada soomaaliyeed oo codkooda gaarsiin kara Ilahaan Omar waa inay u sheegaan falkan ay sameysay inuu halis yahay, haddii aysan aqoon u lahayn haloo sheego, haddii ay og tahay  ciribta falkan halis ayay kaga jirtaa caqiidadeeda islaamnimada.

sida ay u eg tahay waxay isleedahay kusoo jiido codka khaniisyaasha doorashada soo socota.

qofka cod ku raadsanaya waxyaalaha qaarkooda aan lagu dhawaaqi karin ama la sameyn karin codkaas muxuu uga tarayaa maalinta aakhiro.

maxaa u geeyay dowlad kale oo tiri sharciga islaamka ayaan ku dabaqaynaa raga la fuulo iyo kuwa wax fuulo, yaa u dirsaday arrintaas,

waxaas waso aragtay sida qofka uu wax badan ugu khasaaro mararka qaarkooda, nimanka iyo naagaha aduunka ku nool yaa raalligalin karo.

waxaa yaab leh iyadoo muslinimo sheeganaysa inay arrintaas ku dhaqaaqdo.

codadka khaniisiinta maxay tarayaan, haddii aysan khaniis taageerin ma heli karto miyaa waxa ay rabto, ma adduunka kahniis kaliya ayaa ku nool

warkan BBC Somali ayaad ka heli kartaa halkaan ka gal

Exit mobile version