Site icon Daruur درور

Hooyadey fidro ma siin karaa mana iga gudmeysaa

Su’aasha:

Asc sxb waxaan ku weydiina su aal si dhaqsi leh iigu soo war celi marka nio ani iyo aabe ayaa isla nool marka Aabe ayaa shaqeeya marka fidradeyda iyo tiisa isagaa bixiyo sanad walba marka aniga iyo aabahay fidradeena hadaan hooyadey oo meel kale dagan siino ma naga baxaysaa ta kale Hooyo iyo aabe ma wada joogan oo mar hore kala tageen bal arintaas macluumaad iga sii waana mahadsantahay.

Hooyadey fidro ma siin karaa mana iga gudmeysaa
Hooyadey fidro ma siin karaa mana iga gudmeysaa

Jawaabta:

Qofka hooyadiisa iyo aabbihiisa ma siin karo zakaatulfidriga maxaayeelay inuu biilo waajib ayay ku tahay hadday yihiin sabool, haddii aad lacag haysato oo labadaada waalid ay u baahan yihiin biil waa inaad biishaa haddii aad biili waysid caasi ayaad noqonaysaa dambi ayaana kuu socdo, taasna culimada muslimiinta way isku waafaqsan yihiin.

Aabbahaaga hadduu hooyadaada furay fidradiisa waa siin karaa, haddii ay xaaskiisa tahayna ma siin karo, laakin xaaladda aad sheegtay haddii hooyadaada ay u baahan tahay oo fidradana aabbahaaga kaa bixinaayo inshaa Allaah ha siiyo.

Exit mobile version