Site icon Daruur درور

Hilibka Geela weysada ma buriyaa?

Hilibka Geela weysada ma buriyaa?

Su’aasha:

Walaal hilibka Geela weysada ma buriyaa, waxaan arkay culimo ku doodeysa arintaas qaarna qaba inuu buriyo qaarna ay leeyihiin ma buriyo marka labadaas aragtiyood kee baan qaadan karaa oo kula saxan adi.

Hilibka Geela weysada ma buriyaa?
Hilibka Geela weysada ma buriyaa?

Jawaabta:

Walaal waa mas’alo fiqi ah oo culimada madaahibta isku khilaafeen qof kastana daliil ayuu haystaa, mas’alooyinka furuucda fiqiga khilaafkooda wax dhib ah ma keeno.

Dadka qaba in hilibka geela waysada jabiyo waxay daliilsadeen axaadiis waxaana ka mid ah xadiiskan:

(سئل النبي صلى الله عليه وسلم أنتوضأ من لحوم الإبل ؟ قال : نعم ، قال : أنتوضأ من لحوم الغنم ؟ قال :إن شئت ) .  المصدر

(Nabiga (SCW) ayaa qof weyddiiyay miyaannu ka weysaysanaa hilibka geela? wuxuu yiri: haa, qofkii baa yiri: miyaannu ka weysaysanaa hilibka  ariga ? wuxuu yiri: haddaad doonto ) 

Muslin ayaa wariyay xadiiska.

Culimada kale qaba inaan laga weysaysanaynin waxay dhaheen axaadiista kusoo aroortay hilibka geela inuu weysada jabiyo waa la nasakhay waxay ku xoojiyeen hadalkooda:

Xadiiska Jaabir (RC):

(كان آخر الأمرين من رسول الله صلى الله عليه وسلم ترك الوضوء مما مسّت النار) المصدر

(Labada arrimood ugu dambeeyay ee ka sugan rasuulka Alle (SCW) waa inaan laga weysaysanin wixii dab soo maray)

waxaa laga wadaa cuntada la kariyay.

waxaana wariyay Abuu Daawuud iyo Annaas’i

Culimada siday u badan yihiin waxay qabaan hilibka geela inuusan jabinin weysada waxaana ka mid ah imaam shaafici.

marka ma aha in wax weyn laga dhigo oo laysku dagaalo ma aha wax caqiidada ku saabsan dadka jaahiliinta ayaa isku dila waxaan oo kale

 

Weysada maku burtaa taabashada kaadida iyo maro kaadi leh

Exit mobile version