Site icon Daruur درور

Hanti sida lagu heli karo farriimo muhiim ah

Su’aasha:

Asc
Waxaan rabey inaa talo isiisaan
waxaan ahay quf jecel inuu Gawaari yeesho
Guri gato hadane dhalinyara ah
aan shaqi fcn haysanin
ilaa iyo hadda kama fikirin Goormaa guursanee
waxaan ka fikiraa wax aduunyo uun marka ilataliya markaan isdhaho goormaa guursanee nafsadeyda kama heleyso ereygaas oo hanti iyo maal ayey rabtaa sideen ku xakameeyaa.

Hanti sida lagu heli karo farriimo muhiim ah
Hanti sida lagu heli karo farriimo muhiim ah

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa wax kaste inuu Alle qofka siiyo, iyadoo taas ay jirto waxaad ku gaari kartaa hormar inaad dadaasho oo aad waxbarato oo aad iska ilaaliso wax kaste dib kuu dhigaya.

Qofka raba inuu hanti yeesho waa inuu u maraa waddada lagu heli karo hantida taas oo ugu horraysa shaqo, shaqada waxaa ka horraysa waxbarsho maadaama aad tahay qof dhalinyar ah waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho waxbarashada, kaddib aad ku dadaasho shaqada fiican oo lacag badan laga heli karo.

Waxaa qofka dib u dhiga marka uu noqdo qof aan ku dadaalin hantidiisa hadduu wax helo, maalka waa la heli karaa laakin in la ilaaliyo way adag tahay.

Waxaas oo dhan waxaa ka hooreeya imaanka iyo Alle ka cabsiga, qofka marka uu yahay qof muslin ah oo uu hanti helo wuxuu ku bixinayaa hantidaas meesha loogu talaggalay, kaliya ma aha inaad hanti ka fikirto adoon ka fikirin meesha ay ku gaynayso hantidaas.

Exit mobile version