Site icon Daruur درور

Haduu galmo sameeyo qof daawo TB qaata ama dhaxan

Su’aasha:

Haduu sameeyo galmo qof daawo tp ama dhaxan qaata iyo hadii uu riyoodo ama siigaysto ama ay dareen uu wax dareemay kaga yimaadaan ma isku midbaa waxse ma yeelaysaa biyahaa ka yimid hadii ay wax yeessho maxaa xal ah.

Haduu galmo sameeyo qof daawo TB qaata ama dhaxan
Haduu galmo sameeyo qof daawo TB qaata ama dhaxan

Jawaabta:

Qofka jirran oo daawo qaato guud ahaan galmada waa inuu ka fogaadaa hadduu kacsi dareemayo xataa, qofka laga daaweynayo tiibishada isagana waa la mid waa inuu ka dheeraadaa galmo iwm. iskastoo daawada tiibishada ay leedahay kacsi xoog badan oo qofka waali ku rida haddana waxaa laga rabaa inuu iska ilaaliyo galmo, laakin haddii asoo hurdaya biyaha riyo uga yimaadaan wax dhib ma laha, maxaayeelay xoog laguma keenin laakin galmada iyo siigada xoog ayaa lagu keenaa biyaha, waliba siigada ayaa kasii daran oo fikir iyo maskax u baahan.

Haddii qofka uu sameeyo arrintaas waa inuusan u laabanin haddii uu ku laabto dhowr jeer waxaa laga yaabaa in daawada ay wax u tari weyso.

Exit mobile version