Habka Wada-tashiga islaamka
بسم الله الرحمن الرحيم
Magaca ilaahay barakadiisa ayaan ku bilaabaynaa
Hor-dhac |
Macnaha wada-tashiga. |
Waajib-nimada wada-tashiga. |
Xuja-nimada wada-tashiga. |
Muuqaalada wada-tashiga |
Laamaha wada-tashiga. |
Hor-dhac
Wada-tashigu waxa uu ku dhex leeyahay nolosha ummaddaha iyo bulshooyinka ahmiyad wayn,maamul iyo nidaam kasta oo raba khayr iyo guul, doonayana cadaalad,sinaan, jecelna nabad,xasilooni ,barwaaqo,rabana inuu la dagaalamo dulimiga,dig-taatooriyada ,waxa waajiba wada-tashigu inuu noqdo calaamadooda iyo dariiqooda,maxaa yeelay wada-tashigu waxa uu muujiyaa xaqiiqada ,waxana uu daboolka ka qaadaa aragti la,aanta ,saxa iyo rayiga toosana waxa uu ku agaasimaa hawl karnimo iyo masuuliyad adkaysa cududa ummadda .
Wada-tashiga ayaa laga helayaa isku-duubnida,is-jacaylka,wada-jirka,isu-nasteexaynta iyo gacma is qabsiga si loo xaliyo dhamaan caqabadaha ,wada-tashiga ayaa dadku ku gaadhayaan waxa ay rabaan oo sharaf iyo guul,kuna liibaanayaan aduun iyo aakhiraba .
Wada-tashiga ayaa lagu dhisaa bulshooyinka gobta ah iyo dawladaha xooga badan,wada-tashiga ayaa lagu hantaa guusha iyo qalbiyada,wada-tashi lagu dhisayo dalka ,lagu horu-marinayo dhulka ayaa lagu helaa raali ahaanshaha rabbi.
Wada-tashigu waa ka ugu mudan astaamaha ummadda islaamka iyo sharciyada rabbi soo dejiyay,waana calaamad lagu yaqaan muuminiinta ilaahay keliyeelay adeecayna fariintiisa, waxana ilaahay sareeye yidhi :
(وَالَّذِينَ اسْتَجَابُوا لِرَبِّهِمْ وَأَقَامُوا الصَّلاةَ وَأَمْرُهُمْ شُورَى بَيْنَهُمْ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُم يُنْفِقُونَ) [الشورى: 38]
“kuwa ajiibay rabigood ee oogay salaada arinkooduna wada-tashi dhexdooda ku ahaaday ,wixii aanu ku risiqnayna wax ka biya”Sura 38.
Si loo muujiyo ahmiyada balaadhan uu leeyahay wada-shigu ayaa waxa lakala dhex geliyay salaada iyo sakada, waxana Rabi ku sifeeyay muuminiinta inay yihiin kuwa ajiibay rabigood salaadana oogay sakadana bixiyay man-hajkooduna yahay wade-tashi.
Qormadan waxaan ku ifin doonaa macnaha wada-tashiga islaamka dhexdiisa iyo kala aragti duwaananshaha culimadu isku khilaafeen wada-tashiga waajibnimadiisa, daliilada iyo muuqaalada wada-tashiga si guud iyo si gaaraba.
Macnaha wada-tashiga.
Maamul siyaasadeed kastaa waxa uu leeyahay naf ku shaqaysa laamihiisa dawladnimo, oo ay ka dhex bidhaanto muuqaalkiisa iyo calaamadihiisu,sidaas oo kele ayuu wada-tashigu ahmiyad ugu dhex leeyahay maamul siyaasadeedka islaamka ,jiritaankiisa iyo jiritaan la,aantiisuna ku xidhan tahay ,sida uu tilmaamayo Sayid qudub “wada-tashigu nolosha muslimiinta waa mid ka xeel dheer hab-maamulka siyaasadeed ee dawlada oo keliya ,wada-tashigu waa summada bulshada dhamaanteed ,waana laf-dhabrtda arinka bulshada,waxana wada-tashigu u xuub siibanayaa dhinaca dawlada si nolosha dhamaanteed uu u wada gaadho” .
Wada-tashigu waa daliil makka lagusoo dejiyay ka hor intii aan la dhisin dawlada islaamka ,waxana uu ahaa calaamada bulshada islaamku ku gorfayso dhamaan xaaladeheeda,waxana uu shaqo galay iyadaan macnaha dawladnimo la bilaabin,wada-tashigu waa astaanta nolosha islaamiga ah iyo summadda gaarka ay u leedahay bulshada loo doortay dadka inay goomiso, waana astaanta ugu mudan hogaaminta.
