Site icon Daruur درور

Guurka naag aad sino ilmo kaga dhashay

Su’aasha:

Ma guursan karaa naag aan ka sineystay oo canug ii dhashay.

Guurka naag aad sino ilmo kaga dhashay
Guurka naag aad sino ilmo kaga dhashay

Jawaabta:

Ninka hadduu naag ka sinaysto waa guursan karaa laakin labo shardi ayaa ku xiran guurkaas:

shardiga koowaad: waa towbad, inay ka towbad keenaan dambiga sinada waayo waa dambi aad u weyn.

Shardiga labaadna: waa istibraa oo laga wado inay hal jeer caado ka dhaqato haddaysan uur lahayn taasna waxaa daliil u ah xadiiska, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

لَا تُوطَأُ حَامِلٌ حَتَّى تَضَعَ، وَلَا غَيْرُ ذَاتِ حَمْلٍ حَتَّى تَحِيضَ حَيْضَةً”

(looma galmoonayo naag uur leh ilaa ay ka dhasho middaan uur lahaynna ilaa ay hal caado ka dhiigto)

RD

Haddii ay uu leedahayna markay dhasho ayaa la mehrinayaa, haddii ay sinada uur ku yeelato ilmahaas ninka ka sinaystay looma nisbayn karo, waayo dhallayga ama saaniga biyihiisa wax qiime ma laha xagga sharciga.

Exit mobile version