Site icon Daruur درور

Guri wada quraaradoo aad u dheer ayaan ku riyooday

Su’aasha:

Asc waadku mahadsantihiin marwalba
waxaan ku riyooday anigoo jooga guri aad u dheer oo dabaqyo ah makhsin waynoo kamida aniga iyo laba gabdhood oo qurux badan iyo aniga iyo wiil aanu sxbo nahay
waanu sheekaysanaynay anagoo faraxsan
waan kacay waxaan istaagay daaqadoo ahayd muraayad waxaan arkay dhulkii aad nooga hooseeya yaabay suu u dheeraa
kabacdi waxaa soo istaagtay daaqadii oo xaga dibada ah hooyaday oo masaxaysa daaqada waansalaamay ma Aqaano hooyaday waxay ku taagnayd sidii oo ay dhulka socoto ayay u socotay meeshaa dheer
Allah mahadle.

Guri wada quraaradoo aad u dheer ayaan ku riyooday
Guri wada quraaradoo aad u dheer ayaan ku riyooday

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa himada aad leedahay iyo waxa aad ka fikirayso, mustqabal iyo nolol fiican, guriga dheer wuxuu astaan u yahay raadinta mustaqbalka iyo nolosha fiican, sidoo kale hooyada waxay astaan u noqon kartaa xaaladda aad ku sugan tahay.

Guud ahaan riyada waa riyo tilmaamayso himada kugu jirto iyo raadinta aad raadinayso mustaqbalka fiican.

Exit mobile version