Site icon Daruur درور

Gabar Soomaaliyeed duulinaysa diyaarad Muuqaal Video

Gabar Soomaaliyeed duulinaysa diyaarad Muuqaal Video

Gabar soomaaliyeed oo duulinaysa diyaarad ayaa baraha bulshada ku faaftay.

Ahmed Moallim Fiqi   barta Facebook ayuu video soo dhigay wuxuuna ku  qoray hadalkan:

 

Captain Yaasmin waa gabar Soomaaliyeed oo aan shalay diyaarad ay pilot ka tahay aan ka soo raacnay Mogadishu oo u socotay magaalooyinka Jowhar, Cabuudwaaq iyo Gaalkacyo.

Waxay intii aan saarnayn diyaaraddaas ay kicisay saddex jeer ayadoo sidoo kale dejisay saddex jeer, waa gabar isku kalsoon, saddexdii sano ee la soo dhaafayna ahayd pilot wada diyaardaha gobolada Soomaaliya ka shaqeeya, waa gabar tusaale wanaagsan u noqon karta gabdhaha Soomaaliyeed.

Wadamada qaarkood looma ogola gabdhahooda in ay baabuurta wadaan laakin gabdhaheenu waa kuwaas, 40 sano ka hor ayey noo soo baxeen gabdho pilotyo ah.

FG. Sawirka hoose waa Diyaaraddaas oo dul maraysa Cabuudwaaq, caawiyaha diyaaraddu isna waa pilot magaciisana la yiraa Captain Osman A Amin

 

Gabar Soomaaliyeed duulinaysa diyaarad Muuqaal Video
Gabar Soomaaliyeed duulinaysa diyaarad Muuqaal Video

Halkaan ka daawo muuqaalka Videoga:

https://www.facebook.com/AhmedMoFiqi/videos/10157167261312319/

Exit mobile version