Site icon Daruur درور

Gabar riyo ku aragtay iyadoo dhulka ku kaadinaysa

Su’aasha:

walaalo gabar haday aragti iyadoo musqusha aaday oo fadhiga musqusha agtiisa mee dhul ah fariistay oo ay kaadinayso kaadida aad bay u badan tahay marka ay kaadinayso  waxay daremaysaa farxad iyo raaxo daran lakin kaadida aad bay u badan tahay maantoo dhan way iska socotaa riyadas maxaa lagu fasiri karaa.

Gabar riyo ku aragtay iyadoo dhulka ku kaadinaysa
Gabar riyo ku aragtay iyadoo dhulka ku kaadinaysa

Jawaabta:

Riyada kaadida badan dhulka lagu kaadinayso waa riyo tilmaamaysa qofka inuu ka bixi doono walwalka hayo iyo muruga hayso, waliba gabadha markay tahay doob riyada macne kale ka balaaran ayay tusinaysaa hanti badan ubad badan mustaqbalka ay heli doonto, caadi ahaan kaadida waa wax lagu nafiso laakin marka dhulka lagu kaadinayo waa sida wax la beerayo oo kale marka dhalmada ayay dhinac kagag eg tahay.
Guud ahaan riyada kaadida waa riyo fiican marka loo arko qaabka riyadan ay tahay.

Exit mobile version