Site icon Daruur درور

Gabar ku riyootay saxaabiga Abuubakar Sadiiq (RC) oo duceynaya

Su’aasha:

Asc bahda daruuro waxaa hada ko hor kuriyooday anoo asxaabtaii rasuulka( csw) la tukanayaa oo uu salaada naga bixinayo Abubakar sadiiq ilahay haka raali noqdee oo ani iyo laba gabdhood oo xijaban caan ku daba tukanayno wax sudrada ma noo dhaxayn meel banaan ayayana hayd gadaashooda ayaana ku tukanaynay geed aan garanayn ayaana hortanada ku yalay markaan kabaxnay salaadii waxaa noo ducaynayay abubakar alsadiiq waxaa lagaray qiyamihii oo dhulka meelkasta oo kamida dad ayaa ka soo baxayay anaga lkn waan iska fadhinay markaan tukanay waxaa noo ducaynayay abubakar dad ka dhulka ka soobaxaya way badnaayeen maxay noqonkartaa wll.

Gabar ku riyootay saxaabiga Abuubakar Sadiiq (RC) oo duceynaya
Gabar ku riyootay saxaabiga Abuubakar Sadiiq (RC) oo duceynaya

Jawaabta:

Riyada asxaabta nabiga (SCW) guud ahaan waa riyo aad u wanaagsan, riyadan macne kale aad u fiican ayay wadataa kaas oo ah nolosha wanaagsan aad heli doonto iyo ku dhaqanka diinta iyo fiicnaanta iyo khayrka.

Riyada Abuubakar Alsadiiq (RC) waxay xambaarsan tahay khayr iyo bishaaro iyo inaad heli doonto sifooyinka uu lahaa Abuubakar oo kale sida runta sadaqada, jihaadka ,diin jacaylka, camalka suuban, iyo guusha uu u keenay islaamka.

Exit mobile version