Site icon Daruur درور

Gabadha inta aan la guursan mala tijaabin karaa

Su’aasha:

Marka aan rabo inaan gabar guursado ka hor guurka hadaan galmo isla sameyno maxay diinta ka qabta ka dibna aan sidaas ku guursado, sidoo kale waxaan arkay dad dhahaayo guurka ka hor in lays tijaabiyo aad bey u fiican tahay arintaas maxay culimada Islaamka ka yiraahdeen.

Gabadha inta aan la guursan mala tijaabin karaa
Gabadha inta aan la guursan mala tijaabin karaa

Jawaabta:

Naag aadan guursanin markaad u tagto oo aad galmo la samayso waxaad samaysay sino, sinadana waa dambi weyn oo diinta islaamka si xoog ay u reebtay, marka qofka looma oggola inuu naag u tago asoo ay ka tahay tijaabo iyo tijaabo la’aanba si kaste waa xaaraan, falkaas marna lama oggolaanayo.

Alle wuxuu yiri:

(وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَىٰ ۖ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا)

(Ha u dhawaanina sino Illeen waa xumaane Waddana u xune). rd

Dadka dhahay naagta hala tijaabiyo waa dad dhaqanka gaalada soo qaatay oo isu malaynaya inay ilbax yihiin, waa dad lunsan, teeda kale gabadha ma aha alaab ama dhar laysku tijaabinayo xataa dadka arrinkaas aaminsan dumarka ayay meel xun uga dhaceen, diinta islaamka gabadha aad bay u karaamaysay jirkeeda lama taaban karo iyadoon guur xalaal ah oo sharci ah oo meher wata loo samaynin, marka walaal sheekada beenta ah oo ay wadaan nacasyada gaalada ku dayanaya masaakiinta aan wax fahansanayn iska jir.

Waa kuwa oggol nin inuu nin kale guursan karo sidoo kale naagna naag kale inay guursan karto waa shaqaalaha Ibliis.

Exit mobile version