Site icon Daruur درور

Fikirka dumarka sidee laysaga saaraa

Su’aasha:

Nin waxan ahay mar kastte naag ka fikiraya waxan suraysanayaa gabar kaste aan arkko ino la raxaysanayo ma iska dhaafi karo wax kaste waa isku dayay siden ku joojin karaa fikirka nocas ah habeen iyo malin ayaan ku mashquula xata maran wada sacdo.

Fikirka dumarka sidee laysaga saaraa
Fikirka dumarka sidee laysaga saaraa

Jawaabta:

Qofka naftiisa hadduu raaco meel fog ayay ku ridaysaa, wax kastana wax yar ayuu ka bilaabanayaa, waxaa lagaa rabaa inaad indhaha laabato marka hore, waa daawada ugu horraysa inaad indhaha ka laabato dumarka, maxaayeelay indhaha maskaxda sawir ayay siiyaan oo aan muddo kaa baxaynin.

Teeda kale inaad Alle magangasho oo aad ku dadaasho salaadda iyo quraanka inaad baryiso si qalbigaaga uu uga saaro waxaas oo dhan.

Teeda kale waxaa fiican inaad guursato haddaad awooddo, haddaadan awoodinna ku dadaal saad ku guursan lahayn haka baqin faqri haddaad u guursato inaad naftaada xumaanta ka ilaaliso awgeed Alle ayaa kuu sahlaya wax walba.

Exit mobile version