Site icon Daruur درور

Fasirka riyooyinkii madaxweynaha

Su’aasha:

Riyada  madaxweynaha  Asc waadku mahadsan tihiin sida fiican dagdag badan eed noogu soo jawaabaysaan ilaahay ha idin xafido
Iga raali ahada riyooyinkaygu way badan yihiin mudo ayaan la,aa CID ii fasirton ururinaye

1 waxaan ku riyooday madaxwaynaha guri maqsin wayn oo uu rag ka buuxo ayaanu wada fadhinay xaflad ahaydaa shir ahaydaa ma aqaano

2 Markale madaxwaynuhu gurigayaguu iigu yimid fadhiga ayuu fadhiistay waxana usoo galay isagoo ay hooyaday wada fadhiyaan madaxwaynaha iyo dad lasocday

3 Markale isagoo nin odaya ah madaxwaynuhu ayaan ku arkay isagoo lugaynaya wadada kadibna intaan u mid ayaan garabka qabtay waxuu igu yidhi meel aanku tukadan Raba kadibna waan ka xeeyay ayaan meel barandaha hore meherad tukaan ah an hadhkeeda geeyay ayan sijaayad usoo qaaday waan u DHIGAY si fiican xagii qiblada waanu ku tukaday markasaan ka tagay

4 Markale waxaan joogay gurigiisa madaxwaynaha dibada ayaanu safar ugu baxayay waxaan udiyaarinayay shandadihii waanan anba bixiyay markuu diyaarada raacayna gurigiisa ayaan joogay diyaaraduu raacayna waan arkaayay

5 markale madaxwaynuhu ayaan lakulmay isagoo suudh buluuga ku Labisan waan is gacan qaadnay waliba isagoo aad u qoslaaya oo faraxsan ana aadban ugu faraxsanaa cabaarbuu gacantii isii hayay kadibna $300 oo dollar ayuu isii ayay kadibna waxaa noo yimid wiil aanu sxbo nahay isna $400 ayuu siiyay Manuu salaamin Allah macag
Allah mahadle.

Fasirka riyooyinkii madaxweynaha
Fasirka riyooyinkii madaxweynaha

Jawaabta:

Walaal riyooyinkan waa isku macne waxayna tilmaamayaan in adiga aad gaari doonto mustaqbal meel sare, riyada madaxweynaha saliga aad u keentay oo aad qiblada ku aaddisay waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof diinta islaamka dadka faraya oo wanaagga amraya oo khayrka fidinaya, riyada waa bishaaro inshaa Allaah aad arki doonto, waa riyo aad u qiima badan.

 

ترمز رؤية رئيس الجمهورية في الحلم إلى أن الشخص الذي حلم يعيش في استقرار نفسي وسلام. كما تدل على أنه يعيش في مأمن حيث نجح في إزالة مخاوفه. ونجح كذلك في التخلص من أحزانه وهمومه

In riyo lagu arko Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxay astaan ​​u tahay in qofka ku riyooday uu ku nool yahay xasillooni nafsi ah iyo nabad. Waxa kale oo ay muujinaysaa in uu ku nool yahay ammaan maadaama uu ku guulaystay in uu meesha ka saaro cabsidiisa. Waxa kale oo uu ku guulaystay in uu ka takhaluso murugadii iyo werwerkii

Riyada Madaxwayne Erdogan Anoo Hab Siinaya

Waxan Ku Riiyooday Md Farmaajo Oo Xil Ii Magacaabaya

Waxan Ku Riyoday Madaxwaynaha Ruushka Buutin

Waxan Ku Riyooday Anoo La Joogo Donald Trump

Exit mobile version