Riyada qofka oo aan socon karin isagoo la soo bursanayo dadkii uu la socday oo dhan ay ka carayaan isagan wuxu noqday qof lugaha la’ oo kale ma cararii karo riyadaas maxaa lagu fasir karaa mala dhihi karaa waa riyo an macne lahayn oo ah kaliya qarow cabsi leh fadlan isoo fasira
Jawaabta:
Riyada qofka aan socod awoodin waxay tilmaamaysaa qofkaas noloshiisa in waxyaalo badan ay hortaagan yihiin oo ay ka reebayaan inuu wax qabsado, waxaa hortaagan dhibaatooyin fara badan oo nolosha macaankeeda ka reebaya, qofka waxaa laga rabaa inuu eego waxa isaga haysto iyo qaladaadaka uu u jiro si uu u hago noloshiisa.
Waxaa kaloo lagu fasiraa riyada orodka ama socodka aan la awoodin qofka inuu ka daahayo xaqiijinta waxyaalaha uu rabo inuu xaqiijiyo haddii ay tahay waxbarasho ama guur ama ganacsi ama shaqo kale.