Fasirka riyada hooyada qofka arko Interpretation of the mother's dream Riyooyinka - Dreams By Daruur On Jul 31, 2019 2,837 0 Fasirka riyada hooyada qofka arko Hooyada waa asalka uu ka dhasho qofka qofka arko hooyo waxay tusinaysaa riyadaas dhimrin iyo naxariis sidoo faraj ayay u tahay qofka kurbeysan ama dhibban. Fasirka riyada hooyada qofka arko haddii qofka uu arko hooyadiisa oynaysa waxay tilaamaysaa riyada qofka inuu xanuunsanayo. Haddii uu arko geerida hooyada ama hooyadiisa oo dhimatay iyadoo nool taas waxaa lagu fasiraa dhibaatooyin qofka kula soo gudboonaanaya nolosha adduunka, haddii uu ku riyoodo hooyadiisa oo dhamatay iyaduna ay meyd tahay oo ay horey u geeriyootay riyadaas waxaa lagu fasiri karaa qofka arkay inuu helayo wanaag iyo farxad nolosha adduunka. Fasirka riyada wuxuu u noqonayaa qofka xaaladda uu ku sugan yahay hal riyo ayaa laga yaabaa in labo qof si kala duwan loogu fasiro. Maxaayeelay waxaa kala duwan xaalkooda. Fasirka RiyadaRiyada Hooyada 0 2,837 Share