Site icon Daruur درور

Fasirka riyada gabar maalmahan iga gaabsatay oo marwalba igu soo laalaabato riyadeeda

Su’aasha:

Sxb waanku salaamay seetahay sxbw gabadhan waxaan is naqaana mudoo sanad ah hadana 6dii bilood ugu dambeysay waxaa naga dhexeeyey xiriir jeceel marka maalmihii dambo waxaan ka dareemay gaabis xageeda ah xitaa kama jawaabto dhambaalada iyo cododka aan u diro telka igama qabato halmar bay iisoo jawaabtaa kaliya marka waxaan isku arkay in habeenada badanaa aan ku riyoodo iyadoo aanu wada joogno saasey tahay markaan qalbigey ka saar is dhoho waataan ku riyoodaa marka riyadaasoo kale fasirkeeda muxuu yahay go’aan nuucee ayaan ka qaadan karaa qofkaasoo kale si dhaqsi leh iiga soo jawaab sxb.

Fasirka riyada gabar maalmahan iga gaabsatay oo marwalba igu soo laalaabato riyadeeda
Fasirka riyada gabar maalmahan iga gaabsatay oo marwalba igu soo laalaabato riyadeeda

Jawaabta:

Marka saaxib nin dhaliyar baad tahay waxaan kula talinayaa haddaadan guur diyaar u ahayn iska ilaali inaad gabar la sheekaysato, maxaayeelay mustaqbalka xagga diinta iyo noloshaada uma fiicna, kaliya waxaad ka qaadaysaa fikir iyo madax-xanuun iyo niyadjab.

Marka aan usoo laabano riyada waxaa laga yaabaa inay tilmaamayso gabadhaas inaad si xoog uga fikirayso oo maskaxdaada ay ku xiran tahay, waxaana kuu fiican inaad go’aan adag ka qaadato, sheeko wax ay kuu tarayso ma laha, qofkii dantiisa dhabta ah garanayo naag uusan guursanaynin waqti kuma luminayo, marka haddii aad diyaar u tahay gabadha guur u bandhig, jacaylka dhabta ah wuxuu imaanayaa marka aqal laysla galo oo guur dhaco.

Exit mobile version