Site icon Daruur درور

Fasirka riyada cunitaanka sokorta

Su’aasha:

Asc wllo waxan ku riiyooday anoo Sokor cunaya meel dhagax ah waana sokor Cad.

Fasirka riyada cunitaanka sokorta
Fasirka riyada cunitaanka sokorta

Jawaabta:

Cunitaanka sokorta ama macaanka marka riyo lagu arko waxaa lagu fasiraa nimco iyo raaxo iyo jago ama darajo, qofkii ku riyoodo asoo sokor cunaya wuxuu helayaa khayr badan sidoo kale cunitaanka sokorta waxaa lagu fasiraa qofka inuu heli doono waxa uu raadinayo dantiisana uu gaarayo, sonkorta waa khayr iyo wanaag.

Exit mobile version