Fasirka riyada ceyrsashada lacagta doolarka

Su’aasha:

Asc wllo.

Asc wllo waxan ku riiyooday lacag 100 dollar oo iga cararaysa aan ceyrsanaya waana qaban wayay ilaa ay dadka weydiisa in ay ii qabtan. Muxuu noqon kara fasiirkeeda dhaqalo xumo wey ii haysa deen badan waa la igu leeyahay.

Fasirka riyada ceyrsashada lacagta doolarka
Fasirka riyada ceyrsashada lacagta doolarka

Jawaabta:

Riyada aad sheegtay oo ah adoo lacag boqol doolar  dabagalaya, marka ugu dambaysa ay dadka kuusoo qabanayaan waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto magac iyo muuno mustaqbalka, taasna waxaa sabab u noqonaya dad badan oo adiga wanaag kula rabo ha ahaadaan qaraabadaada ama saaxiibayaashaada, marka riyada waa riyo bishaaro ah, dhibka ku haysta inshaa Allaah waa kaa tagayaa deymaha lagugu leeyahayna waad iska gudi doontaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More