Farmaajo yaa teegeersan maxaase laga rabaa
Wararka ka jira warbaahinta dunida maalmahan waxay afka ku hayaan hubka loo geeyay dowladda federaalka ee soomaali jirta.
Hubkaas waxaa keenay dalka Turkey waa deeq ay ugu deeqday dowladda Turkey dowladda Soomaaliyeed.

Dadka kasoo horjeeda dowladda federaalka oo ku eedeynaya Farmaajo inuu xoog ku haysto waxay leeyihiin dowladda Turkey waxay rabtaa Farmaajo inuu xoog ku haysto taasna waxaa la qabta dowladda Qadar oo Fahad Yaasiin wakiil uga ah dalka Soomaali.
Farmaajo sida ka muuqata wuxuu rabaa inuu haysto xukunka taasna wuxuu kaga dayanayaa Maxamed Siyaad Barre maslaxada dowladaha qaarna sidaas ayay keenaysaa.
Maxaayeelay haddii Farmaajo uu rabi lahaa inuu ka taliyo danta soomaaliyeed kuma dheganaan lahayn xukunka.

Waxaa yaab ah dad badan waxay ka dhigeen taageeridda Farmaajo inay tahay wadaninimo iyo qaran, qofkii kasoo horjeedana wuxuu u shaqaynayaa dowladaha shisheeyaha oo diiddaan soomaali inay degto.
