Farmaajo wuxuu dhahay intaan barakiciye noqon lahaa waxaan ahay badbaadiye muxuu ka wadaa
Su’aasha:
Madaxweynaha sharciyadiisa muranku ka taaganyahay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu xaley jeediyey qudbad u muuqatay mid la soo jarjaray oo qaladaadka laga soo faafreebay marka qudbadiisii waxaa ku jirtay in dalka ay qasayaan shisheeye iyo siyaasiyiin uu sheegay inay daba dhilif u yihiin shisheeyaha marka hadal jeedintaas Farmaajo sameeyey maxaa laga tilmaami karaa maxaase laga fahmi ma tabar ayaa ciishay odayga mise isagaa gartay inuu tanaasulo cileyn wuxuu yiri meeshaan ka noqon laahyn barakiciye waxaan ahay badbaadiye.
