Site icon Daruur درور

Farmaajo haduu qaato xalka Soomaaliya u baahantahay maxaa lagu tilmaami karaa?

Su’aasha:

Farmaajo hada wuxuu sameeyey safar ayuu Congo ku tagay wuxuuna madaxweynaha Congo ka codsaday inuu la heshiisiiyo mucaaradka isaga diidan.

Farmaajo haduu qaato xalka Soomaaliya u baahantahay maxaa lagu tilmaami karaa?
Farmaajo haduu qaato xalka Soomaaliya u baahantahay maxaa lagu tilmaami karaa?

Jawaabta:

Webka Daruur waxa ka jira soomaali wuxuu ka aaminsan yahay inuu Farmaajo ku qaldan yahay arrinta uu ku dhaqaaqay, haddii dalka uu ka dhaco dagaal sokeeye Farmaajo ayaa masuul ka ah.

Labadii qof ka horreysay si wanaagsan ayay ku dhiibeen talada waxaan ula jeeda Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Farmaajo maxaa u diiday inuu doorasho qabto maadaama dalka uu hadda soo toosayo muxuu ka faa’idayaa dhibka uu dalka galiyay.

Madaxweynaha koongo intuu ka dalban lahaa dhexdhexaadin waxaa u fiicnayd doorasho inuu qabto.

Farmaajo sida muuqata wuxuu rabaa inuu iska sii haysto xukunka ilaa uu ka dhinto. Waxaan ka baqayaa in si xun loo dilo.

Exit mobile version