Site icon Daruur درور

Farmaajo haduu dalka sii joogo oo qoladan shisheeyaha u adeega laga adkaado maxaa dhici kara?

Su’aasha:

Horta waxaa wax laga xumaado ah in webkiina aad ku milanteen siyaasadaha is diidan meeshii la rabay inuu webka ka shaqeeyo nabada iyo xasiloonida ayaad qoreysaa waxyaabo lidku ah maslaxada ummada Soomaaliyeed, taasna ma qurux badna teda kale kooxdan Qaran dumiska afka waxay ka dhigi waayeen Farmaajo tan iyo markii xilka loo doortay wuxuu madaxweynuhu ka dhaqaaqi waayey qoladan shisheeye kalaalka ah ee duleysan saasey tahayna siriq walba ay dhigaan wuu ka guuleysanaayey xoog iyo xeeladba marka kwrn haduu madaxweynehèena sharafta badan uu ka adkaado kooxda Qarandumiska maxaa dhici karaanaa maleyneysaa waa in dalkeenu uu gaaro barwaaqo iyo horumar sowma ahan?

Farmaajo haduu dalka sii joogo oo qoladan shisheeyaha u adeega laga adkaado maxaa dhici kara?
Farmaajo haduu dalka sii joogo oo qoladan shisheeyaha u adeega laga adkaado maxaa dhici kara?

Jawaabta:

Adiga waxaad iska dhaadhicisay inuu Farmaajo saxsan yahay dadka kasoo horjeedana ay u shaqaynayaan shisheeye, taas waad ku qaldan tahay, siyaasad ahaan adduunka wuxuu ku dhisan yahay aqoon iyo fahan, ma aha sida aad sheekada u waddo, Farmaajo waxaa la dhihi karaa marka la doortay waa madaxweynihii ugu nasiibka badnaa oo soomaalida dhammaantooda ay soo dhoweeyeen, afarta sano uu madaxweynaha ahaana qof carqalad ku sameeyay ma jiro, laakin waxba wuu qaban waayay, bal Xasan Sheekh ayuu kasii liitay marka loo noqdo waaqaca dhabta ah, qaraxa ayaa batay, waddooyinka ayaa la xirxiray, dowladda awooddeeda meelo kooban ayay ku eg tahay, marka Farmaajo fursaddii la siiyay waxba wuu ku qaban waayay, talaabadan uu qaadayna oo ah muddo korarsiga wuxuu kaga baqay in la dooran waayo haddii baarlamaanka lagu qabto doorashada, dadka shacabka matalaya oo dhan way naceen, marka haku sirmin dadka baraha bulshada wax kusoo qoro waa ciidan la sameeyay oo beenta faafiya oo Farmaajo buunbuuniya, dalka wuxuu barwaaqo ku gaari karaa marka dadka siyaasiyiinta oo dhan ay daacad isu noqdaan oo ay ka taliyaan maslaxadda soomaaliya ee aan laga talinin maslaxad gaar ah, sida uu Farmaajo wax ku wado, marka waxaan rajaynayaa inaad dhabta jirta fahanto, waxaa laga yaabaa inaad ku sirantay sheekada ay wadaan dad mushaar ku qaata beenta iyo buunbuuninta Farmaajo, ama adigaba aad ka mid tahay dadkaas.

Haddii Farmaajo uu daacad yahay doorasho nadiif ah hasoo galo markaas fursad labaad ha isku dayo si uu ugu dadaalo hormar iyo dhisme, laakin uma malaynayo afar sano qof isbaddal keeni waayay inuu wax tarayo afar sano kale hadduu qaato.

Hormar waxaa lagu gaaraa soomaalida inay isla fahmaan wanaagga iyo maslaxadda guud oo aan ku koobnayn shakhsi gaar ah.

Exit mobile version