Site icon Daruur درور

Fadliga deganaanta iyo xasilloonida

Sida la og yahay degdegga ma fiicna qofka waligiisa waxaa laga rabaa inuu ahaado qof xasillan oo deggan.

Marka qofka uu degdeg wax ku sameeyo inta badan wuu shallaynayaa, taas oo keenaysaa noloshiisa inay gasho ciriiri.

Fadliga deganaanta iyo xasilloonida
Fadliga deganaanta iyo xasilloonida

Taas waxaa soo gali kara waxyaabo badan oo nolosha qofka la xiriira sida guurka waxbarashada iyo dhinacyo kale badan oo nolosha ka tirsan.

Diinta islaamka waxay ku dhiirragalisay qofka inuu xasil wax ku sameeyo oo uu ahaado qof aan degdegin.

wuxuu leeyahay rasuulka (SCW):

(التَّأَنِّي مِنَ اللهِ ، وَالْعَجَلَةُ مِنَ الشَّيْطَانِ)

(Deganaanta waa xagga Alle degdeggana waa xagga shaydaanka),

wuxuu leeyahaya:

( التُّؤَدَةُ فِي كُلِّ شَيْءٍ إِلَّا فِي عَمَلِ الْآخِرَةِ)

(Xasilloonida wax kaste ayay ku jirtaa camalka aakhiro waxan ahayn).

Axaadiista kusoo aroortay arrintan way badan yihiin waxaa la  dhihi karaa badankooda waa xadiis saxiix ah.

Exit mobile version