Site icon Daruur درور

Ereyada Other iyo Another farqiga u dhexeeya af Ingiriiska

Marka luqad la baranayo waxaa habboon in loo barto qaab sugan, lama rabo erey inuu kaa hoos baxo siiba ereyada aadka loo adeegsado, Af English marka aad baranayso waxaa jira ereyo u baahan in daymo gaar ah loo lahaado, waxaa ka mid ah areyadaas Other iyo Another oo muhim ah in la ogaado sida loo adeegsato.

Ereyada Other iyo Another farqiga u dhexeeya af Ingiriiska
Ereyada Other iyo Another farqiga u dhexeeya af Ingiriiska

Labada erey oo kala ah  Other iyo Another ee luuqada igiriiska waxay tilmaamaan macnaha wax kale tusaale ahaan markaan dhaho:

I want another book 

buug kale ayaan rabaa

Can you give me another pen 

ma isiin kartaa qalin kale

Marka kali uu yahay shayga la sifeynayo waxaa la adeegsadaa another.
Laakin marka uu yahay wadar waxaan adeegsanaynaa other, isla tusaalooyinka aan soo aragnay ayaan tusaale ka dhiganaynaa:

I want other books 

buugaag kale ayaan rabaa

Can you give me other pens 

ma isiin kartaa qalimaan kale

Exit mobile version