Site icon Daruur درور

Dhawr habeen baan ku riyooday mas

Su’aasha:

Asc. Bahda daruur salaan kadib
Nio dhawr habeen baan ku riyooday mas
Way igusoo noqnoqotay riyadani waxan u malaynaya in
Wax layga digayo ama wuxun ay iga qaldan yihiin

Dhawr habeen baan ku riyooday mas
Dhawr habeen baan ku riyooday mas

Jawaabta:

Maska waa cadow qarsoon oo halis ah oo raba inuu dhib kuu geysto, waxaad iska ilaalisaa dadka xunxun oo aad saaxiibka la tahay oo laga yaabo inay dhib kuu geystaan waliba qofka xaasidka ah oo kuu qoslaya oona iska dhigaya qof dantaada ka shaqaynaya, qofkaas waxaa lagu gartaa astaamo badan oo ay ka mid yihiin inuu ku farxo wixii dhib kuu keenaya asoo kaftan kaaga dhigaya wuxuu ka murgaa wixii fiican aad hesho.

Exit mobile version