Site icon Daruur درور

Dardaaranka Luqmaan Alxakiim ee xagga bulshada

Luqamaan Alxakiim wuxuu ka mid ahaa addoomaha Alle ee suubanaa.

Wuxuu ku caanbaxay xigmad fiican sida quraanka kariimka ku sheegay sifadiisa.

Qisada Luqmaan faahfaahin dheeraad ma uusan ka bixin quraanka laakin wuxuu soo arooriyay dardaaranka ninkaas saalixa ahaa.

Dardaaranka Luqmaan Alxakiim ee xagga bulshada
Dardaaranka Luqmaan Alxakiim ee xagga bulshada

Marka aad dadka la dhaqmayso waxaa lagaaga baahan yahay inaad ahaato qof degan oo aan kibir ku dhaqmin sidoo kale cod gaaban leh.

waxaa ku soo arooray dardaaranka Luqmaan Alxakiim ee bulshada oraahda Alle lagu sheegay:

﴿وَاقْصِدْ فِي مَشْيِكَ وَاغْضُضْ مِنْ صَوْتِكَ إِنَّ أَنْكَرَ الْأَصْواتِ لَصَوْتُ الْحَمِيرِ﴾

(Socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u dhig codkaaga, cod waxaa ugu xun codka dameerahee.)

Exit mobile version