Dardaaranka Luqmaan Alxakiim ee xagga bulshada Tafsiirka Aayadaha Quraanka By Daruur On Jul 1, 2019 136 0 Luqamaan Alxakiim wuxuu ka mid ahaa addoomaha Alle ee suubanaa. Wuxuu ku caanbaxay xigmad fiican sida quraanka kariimka ku sheegay sifadiisa. Qisada Luqmaan faahfaahin dheeraad ma uusan ka bixin quraanka laakin wuxuu soo arooriyay dardaaranka ninkaas saalixa ahaa. Dardaaranka Luqmaan Alxakiim ee xagga bulshada Marka aad dadka la dhaqmayso waxaa lagaaga baahan yahay inaad ahaato qof degan oo aan kibir ku dhaqmin sidoo kale cod gaaban leh. waxaa ku soo arooray dardaaranka Luqmaan Alxakiim ee bulshada oraahda Alle lagu sheegay: ﴿وَاقْصِدْ فِي مَشْيِكَ وَاغْضُضْ مِنْ صَوْتِكَ إِنَّ أَنْكَرَ الْأَصْواتِ لَصَوْتُ الْحَمِيرِ﴾ (Socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u dhig codkaaga, cod waxaa ugu xun codka dameerahee.) Luqmaan Alxakiim 0 136 Share