Site icon Daruur درور

Dambiga weyn iyo midka yar maxaa lagu kala gartaa

Dambiyada waxay u kala baxaan labo nooc mid weyn iyo mid yar.

Dambiga weyn waxaa lagu gartaa dhowr astaamo.

In qofka sameeyo naar loogu gooddiyo

Sidoo kale in lacnad korka laga saaro

Sidoo kale in lagu tilmaamo inuu yahay dambi weyn.

Dambiga weyn iyo midka yar maxaa lagu kala gartaa
Dambiga weyn iyo midka yar maxaa lagu kala gartaa

waxaa ka mid ah dambiyada waaweyn sino, sinada waa nin inuu u tago naag uuna qabin sidoo kale qof inuu hanti uusan lahayn qaato iyo xatooyada iyo   ribada iyo dilka qof inuu dilo naf dhowrsan, sidoo kale khamra inuu cabbo qofka.

Dambiga weyn sidee looga towbad keenaa?

Dambiga weyn haddii uu yahay mid xaq Ilaahay keliya ah qofka wuu ka towbad keeni karaa waxaa shardi ah:

inuu iska dhaafo dambiga falkiisa

iyo inuu go’aansado inuusan u laabanaynin

iyo inuu ka shallaayo.

haddii dambiga xaq dad uu la socdo markaas waa inuu xaqa dadka u celiyaa.

sida qof lacag qof kale ka xaday markuu towbad keenayo waa inuu lacagtaas u celiyaa qofka uu kasoo xaday.

Damabiga yar waa sida qof inaad cayso ama naag inaad si shahwo leh aad u fiiriso sidoo inaad qof ku jeesjeesto iwm. waxaa lagu dhaafayaa salaadaha iyo camalka suuban sadaqada istiqfaarta. iwm.

Exit mobile version