Site icon Daruur درور

Dalaaqa haddii ninka lagu qasbo ma dhacaa

Su’aasha:

Asc wrx wbrt
Aniga o careysan baa aabahey u diray ninkayga o ku dhahay iga soo qaad dalayga aabahey o caraysan ba ugu tagay hotel Ninkayga jogo u ku noolaa aabahey iyo wadadkayga
Kenya be wada jogen Aniga yurub Ninkayga wuxu leyahay aabo Wu caresna o waa ka cabsaday in wax i garsiyo sas baa dalaaqa u dhibay e raali kama ehen bu leyahay wa isku badbaadinayay
Aabahey wuxu leyahay
Gabar tayda i so dirsatay kuma rabo e ku dhahday e dalaaqadeda i maqashi waa i maqashiyay waana ka so tagay
Ninkayga wuxu leyahay marqaati yaashi baa jogo o la weydina sida wax u dheceen
Dalaaqan waa Kii labaad
Kii koowaad asuu ka imaaday
Kan 2bad waa laga doonay
Ma dhacaya mise ??

Dalaaqa haddii ninka lagu qasbo ma dhacaa
Dalaaqa haddii ninka lagu qasbo ma dhacaa

Jawaabta:

Sida hadalkaaga laga fahmayo ninkaaga waa lagu qasbay dalaaqa aabbahaagaana ku qasbay isagana sidaas ayuu dalaaqii ku riday asoon rabin.

Marka hore waa inaan ogaanaa hadduu qasab jiro iyo in kale, haddii run ay ka tahay oo lagu qasbay oo uu ka baqay wax in lagu sameeyo hadduu furiinka ridi waayo dalaaqaas ma dhacayo, waayo qasabka wuxuu reebayaa dalaaqa, qasabkana wuxuu noqon karaa qofka  dil ama garaacitaan oo naftiisa dhib u keenaya in loogu gooddiyo.

Marka hadii lagu qasbay oo awood loo adeegsaday dalaaqaas ma dhicin.

Exit mobile version