Site icon Daruur درور

Dalaaqa 3xaad o jamaaca kadib dhacay ma dhacaya mise ?

Su’aasha:

Asc wrx wbrt Ninkayga ayaa i furay jamaac kadib Caado ma helin Uur ayaa igu so baxay Dalaaqas wa Kii ugu dambeyay
Ma dhacaya o nabi maxamed maka sugnaaday Mise Ma dhacayo???

Dalaaqa 3xaad o jamaaca kadib dhacay ma dhacaya mise ?
Dalaaqa 3xaad o jamaaca kadib dhacay ma dhacaya mise ?

Jawaabta:

Sida daliil ahaan u xoog badan dalaaqaas wuu dhacay, xataa hadduu yahay dalaaq bidci ah, culimada saan soo sheenay way isku khilaafeen dalaaqa bidciga inuu dhacayo iyo in kale waxaan soo sheegnay inuu xoog badan yahay daliilka culimada yiri dalaaqa bidciga wuu dhacaa.

Marka xaaladda aad sheegtay oo ah ninkaaga seddex jeer inuu ku furay dalaaqa sedexaad wuu dhacay.

Quraanka iyo axaadiista  ayaana sheegay dalaaqa sedexaad inuu dhacaayo hadduu ku dhacay qaabka aad sheegtay.

Haddii ninka naagtiisa hal mar ku furo sedex culimo qaar ayaa yiri hal dalaaq baa laga soo qaadayaa, laakin adiga waxaad sheegtay dalaaqa sedex jeer kala duwan inuu u dhacay.

Exit mobile version