Site icon Daruur درور

Dadka xadrada xoolaha ku gowraco lacag ma siin karaa

Su’aasha:

Asc Daruur.com, ugu horray ilaaaybaa mahadleh iwaafajiyay inan helo webkan qiimaha badan,, marlabaad waxaan umahadcelinayaa hawlwadeenada iyo aqoonyahannada kala duwan ee ka hawlgala webkan,, su aashaydu waxa weeyaan magaaladan aan daganahay waxa jira shakhsiyaad meheradaha ganacsiga soo Mara kadibna waydiinaya lacag iyagoo leh waanu ku ducaynaynaa oo xoolo ayaa laqalayaa si uu ilaahay abaaartan inooga dulqaaado,, xoolahana waxa lagu gawracayaa meel xadro ah, arrintaa diinta islaamku maxay ka qabtaa.

Dadka xadrada xoolaha ku gowraco lacag ma siin karaa
Dadka xadrada xoolaha ku gowraco lacag ma siin karaa

Jawaabta:

Marka hore kusoo dhowoow webka Daruur, guud ahaan sadaqada waax wax aad u fican

wuxuu leeyahay Alle (SW):

{يَمْحَقُ اللَّهُ الرِّبَا وَيُرْبِي الصَّدَقَاتِ}

(wuxuu tiraa Eebe Ribada wuxuuna badiyaa (barakeeyaa) Sadaqooyinka), , wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(مَا مِنْ يَوْمٍ يُصْبِحُ الْعِبَادُ فِيهِ إِلَّا مَلَكَانِ يَنْزِلَانِ، فَيَقُولُ أَحَدُهُمَا: اللهُمَّ أَعْطِ مُنْفِقًا خَلَفًا، وَيَقُولُ الْآخَرُ: اللهُمَّ أَعْطِ مُمْسِكًا تَلَفًا).

(Maalin ma jirto oo addoomaha ay waabariisanayaan hadday dhacdo labo malag ayaa soo degta, wuxuu oranayaa midkooda: ilaahayow sii midka waxa bixinaya badal, wuxuu oranayaa midka kale: ilaahayow sii midka wax reebanaya halaag).
Waxaa ka mid ah: inay ka mid tahay sababaha caafiyada wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(دَاوُوا مَرْضَاكُمْ بِالصَّدَقَةِ، وَحَصِّنُوا أَمْوَالَكُمْ بِالزَّكَاةِ، وَأَعِدُّوا لِلْبَلَاءِ الدُّعَاءَ)

(ku daaweeya bukaantiina sadaqo, hantidiinana sakada ku ilaaliya, baladana duco u diyaarsada), wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إِنَّ الصَّدَقَةَ تُطْفِئُ غَضَبَ الرَّبِّ وَتَدْفَعُ مِيتَةَ السُّوءِ).

(sadaqada waxay damisaa carada rabbiga waxayna reebtaa dhimashada qaabka daran).

Marka aan u gadagalo su’aashaada guud ahaan sadaqada waa camal aad u fiican laakin waxaa la rabaa in meesha loogu talaggalay ay ku baxdo, waxaa kuu fiican xoolahaaga inaad ku bixiso qaab sax ah, qolada leh dadka abaarta haysa ayaan u ducaynaynaa oo sidaas xoolaha ku qaadanaya kaddib qaab aan fiicnayn u bixinaya waa inaad ka dheeraataa, haddii aad wax bixinayso qof baahi hayso sii, ama qolo lacag ururinayso oo la hubo qaabka wanaagsan ee ay u bixinayaan, ka fogow kuwa qaabka noocaas ah xoolaha u ururiya, waxaa yaab leh xoolaha ay qaataan iyagaa gowracnaya iyagoo leh duco ayaan samaynaynaa laakin waxaa laga rabay inay toos ugu geeyaan dadka gaajaysan marka yaan lagu sirin ee jidka sadaqada wuu cad yahay, waliba sadaqo waxaa ugu fiican adiga si toos inaad u gaarsiiso qofka gaajaysan ama dhibaataysan waliba qaraabada iyo dreriska ayaana ugu habboon wax sadaqo la siiyo.

Teeda kale xadrada inta badan waxaa soo gala waxyaalo aan sax ahayn sida in loo yeeranayo qof dhintay oo lagu tilmaamayo inuu wali ahaa waxaana laga dalbanayaa in uu u gargaaro dadka abaarta haysa, middaasna Alle kaligii ayaa la weyddiisan karaa,  waa dambi weyn oo halis ah qofka laga yaabaa inuu khatar ku galo inkastoo dadka aay jaahil ka yihiin, marka shaqo iskuma laha xadradaas iyo sadaqada,  waa qolo hadaf kale ka leh lacagta ay qaadanayaan ee uma jeedaan abaar inay ka hortagaan ama inay dad u gargaaraan.

Haddii aan dhahno xadrada wax qaldan kuma hayaan kaliya Alle ayay xusayaan laakin xoolaha la gowracay waxaa cunaya dad dhergan oo aan gaajo haynin taasna waa qalad maxaayeelay sadaqada waxaa loogu talaggalay dadka baahan illeen dad kale ayaa lagasoo ururiyey, laakin qofka marka uu iskiisa wax u bixinayo hantidiisa cidduu rabo ayuu siin karaa.

Exit mobile version