Marka aan u gadagalo su’aashaada guud ahaan sadaqada waa camal aad u fiican laakin waxaa la rabaa in meesha loogu talaggalay ay ku baxdo, waxaa kuu fiican xoolahaaga inaad ku bixiso qaab sax ah, qolada leh dadka abaarta haysa ayaan u ducaynaynaa oo sidaas xoolaha ku qaadanaya kaddib qaab aan fiicnayn u bixinaya waa inaad ka dheeraataa, haddii aad wax bixinayso qof baahi hayso sii, ama qolo lacag ururinayso oo la hubo qaabka wanaagsan ee ay u bixinayaan, ka fogow kuwa qaabka noocaas ah xoolaha u ururiya, waxaa yaab leh xoolaha ay qaataan iyagaa gowracnaya iyagoo leh duco ayaan samaynaynaa laakin waxaa laga rabay inay toos ugu geeyaan dadka gaajaysan marka yaan lagu sirin ee jidka sadaqada wuu cad yahay, waliba sadaqo waxaa ugu fiican adiga si toos inaad u gaarsiiso qofka gaajaysan ama dhibaataysan waliba qaraabada iyo dreriska ayaana ugu habboon wax sadaqo la siiyo.
Teeda kale xadrada inta badan waxaa soo gala waxyaalo aan sax ahayn sida in loo yeeranayo qof dhintay oo lagu tilmaamayo inuu wali ahaa waxaana laga dalbanayaa in uu u gargaaro dadka abaarta haysa, middaasna Alle kaligii ayaa la weyddiisan karaa, waa dambi weyn oo halis ah qofka laga yaabaa inuu khatar ku galo inkastoo dadka aay jaahil ka yihiin, marka shaqo iskuma laha xadradaas iyo sadaqada, waa qolo hadaf kale ka leh lacagta ay qaadanayaan ee uma jeedaan abaar inay ka hortagaan ama inay dad u gargaaraan.
Haddii aan dhahno xadrada wax qaldan kuma hayaan kaliya Alle ayay xusayaan laakin xoolaha la gowracay waxaa cunaya dad dhergan oo aan gaajo haynin taasna waa qalad maxaayeelay sadaqada waxaa loogu talaggalay dadka baahan illeen dad kale ayaa lagasoo ururiyey, laakin qofka marka uu iskiisa wax u bixinayo hantidiisa cidduu rabo ayuu siin karaa.