Site icon Daruur درور

Dadka aan la gaarsiinin diinta xukunkooda muxuu yahay

Dadka aan la gaarsiinin diinta xukunkooda muxuu yahay

Su’aasha:

Asc 2019kii waxaan la sheekestay Wiil u dhashay wadanka Nigeria si Kedisa ah ayaan Facebook isaga baranay aniga oo markaa doonayey inaan waxka ogaado Forex iyo Bitcoin

Wiilkii in badan ayaan sheekesanay English keygana ma wanaagsaneyn lkn ugu yaraan isaga waan fahmayey waxaan isku dayey inaan ku qalqaaliyo Diinta islaamka balse wuu igala dooday xaq nimada Diinta islaamka waxaa igu adkaatay inaan Prove gareeyo diinteen islaamka sax ahaanshaheeda kadib markuu igu yiri diinta dadka ugu badan ay heystaan waa masiix wadamada ugu barwaaqeysan dunidana waa masiix Marka maxay tahay wax aan barwaaqo aheyn oo aan doonayo ma waxaad dooneysaa inaan Argagaxiso noqdo Waxaan u sheegay in islaamka Argagaxiso aheyn oo mashruuc Siyaasadeed uu yahay ereyga Argagaxiso

Marka aan qodobkaas ka gudubnay baa Wuxuu I waydiiyey su,aal ah aniga hooyadey iyo aabahey waxay igu bar baariyeen masiixa adiguna hooyadaa iyo aabaha waxay kugu bar baariyeen Islaamka aniga waxaan aaminsanahay in masiixa yahay wadada kaliya ee bad baadada adiguna si ka duwan sidaa ayaad islaamka u aaminsan tahay diinta Xaqa ah labadeenaba qalad ma lihin ee Ilaah yadeena ayaa ina kala Saari doono maalintay noqoto
waxaan ku iri aniga ayaa Hada ku Soo gaarsiinaya Xaqa ee ila qaado Wuxuu iigu jawaabay adiga ma dooneysaa masiixa waxaan ku iri haa ee Ii cadee xaq nimadeeda Wuxuu igi yiri kumaba cadeen karo ee iska Soo gal waxaan ku iri ma awoodo
Wuxuu igu jawaabay maxaa Kaa hor taagan waxaana ku iri cadeen uma hayo sax ahaanshaheeda Wuxuu I waydiiyey maxaa kale wax kale majiro ayaan ku iri wuxuu igu yiri Cabsi ma dareemeysaa oo ah in hadii aad diintaada ka tagto ilaahaaga kuu caroodo haa baa ku iri wuxuu igu yiri aniguna sidaasoo kale ayaan dareemayaa ee inaga gudbi Doodaas

Anigu inkastoo aan si Xeelad ah isku Difaacayey balse su,aasha aan halkaa kala Soo baxay waxay tahay

muxuu yahay Xukunka qof aan waligiis diin islaam ah aan maqlin arkin Oona baranin
diin kale iyo Sharci kale hooyadiis iyo Aabihiis ku bar baariyeen oo aaminsan in diintiisa ay Saxan tahay sida anagaba aan u aaminsan nahay in diinteena islaamka ay tahay tan kaliya ee ugu Saxan dunida

Waan ogahay qof aan islaam aheyn inuu Jano galeyn balse waxaan doonayaa Su,aashan in Si logically ah la iigu xaliyo.

Dadka aan diinta la gaarsiinin xukunkooda muxuu yahay
Dadka aan diinta la gaarsiinin xukunkooda muxuu yahay

Jawaabta:

Horta sida aad diintaada u difaacday waa arrin aad u fiican, diinta islaamka waa diinta anbiyada oo dhan waxaana lagu khatimay anbiyada nabigeena Muxammad (SCW), waa diinta kaliya maanta aan wax laga badalin oo ilaalsan caqliga aadanahana waafaqsan, qofkii Ilaahay ka leexiyana laguma hanuunin karo waddadeeda taas waa inaad ogaataa.

Midda kale qofkii aan diinta islaamka maqlin waligiisa oona aan la gaarsiinin oo duurka fog dunida dacaladeeda ku sugan inkastoo samankan ay adag tahay inay dad noocaas jiraan, qofkaas Ilaahay ma ciqaabo taasna quraanka ayaa lagu sheegay, wuxuu yiri Alle:

(وَمَا كُنَّا مُعَذِّبِينَ حَتَّىٰ نَبْعَثَ رَسُولًا)

(mana cadaabno (dadka) ilaa aan rasuul u dirno).

Waxaa soo galaya ilmaha gaalada oo dhintay iyagoon qaangaarin, dadka ku dhashay dhagala’aanta.

 

Afrta nabi oo is dhalay iyo anbiyada dhashay

Exit mobile version