Site icon Daruur درور

Dad markaad aragto Alle ku xasuusinaya taas maxay tahay

Dad markaad aragto Alle ku xasuusinaya taas maxay tahay

Su’aasha:

Walaal waxaa jira shakhsiyaadka qaarkood oo markaan arko aan ilaahay xasuusto, arintaasi maxay noqon kartaa?

F:g: shakhsiyaadkaasi maaha dad Caan ah sida culimada iyo intii lamid ah, balse wa dad iska caadi ah oo bulshada iskaga dhexjira.

Dad markaad aragto Alle ku xasuusinaya taas maxay tahay
Dad markaad aragto Alle ku xasuusinaya taas maxay tahay

Jawaabta:

Dad waxaa jira oo Ilaahay u dhow oo qalbi ahaan wanaagsan sidoo kale aan ahayn dad xumaan sameeya, dadkaas oo kale oo marka aad aragto aad Alle soo xusuusanayso waa dad suuban oo fadli Ilaahay siiyay, wuxuu yiri rasuulka:

(ألَا أُنبِّئُكم بخِيارِكم؟ قالوا: بلى يا رسولَ الله! قال: خياركم الذين إذا رءوا ذكر الله عز وجل)

(Ma idin sheegaa kuwiina ugu khayrka badan? waxay yiraahdeen haa rasuulkii Allow! wuxuu yiri: kuwiina ugu khayrka badan waa kuwa marka la arko Alle la xusuuto)

Waxaa wariyay ibnu Maajah waana saxiix xadiiska
Marka dadkaas waa dad fiican dadka fiicanna waa in lala socdaa mar walba.

Teeda kale dadka caanka ah inta badan daacad ma aha xataa kuwa wadaada ah oo dadka u wacdiya, qaar waxaa jira magac raadiya iyo amaan marka waxaa ugu fiican dadka qarsoon oo khayrka ka shaqeeyo oo aan ka helin in ay muuqdaan.

 

Marku iguso dhacayo waswaska cabsi ayan dareema

Exit mobile version