Caanaha geela weysada ma jabiyaan
Caanaha geela weysada ma jabiyaan
Su’aasha:
Caanaha geela weysada ma jabiyaan sida hilibka geela oo kale, waxaan maqlay xadiis ayaa kusoo arooray tilmaamaya in caanaha geela ay weysada jabiyaan.

Jawaabta:
Hilibka geela inuu weysada jabiyo waxaa ka taagan khilaaf imaam Axmed ayaa qaba inuu weysada jabiyo culimada kale ma qabaan, laakin caanaha geela khilaaf kama taagna inaysan weysada jabinin.
waxaa kusoo arooray axaadiis daciif ah, xadiiska koowaad waxaa wariyay imaam Axmed iyo Ibnu Maajah waxaana laga wariyay Useyd bib xudeyr (RC) inuu yiri rasuulka (SCW):
( لا تَتَوَضَّئُوا مِنْ أَلْبَانِ الْغَنَمِ ، وَتَوَضَّئُوا مِنْ أَلْبَانِ الإِبِل )
(haka weyseysanina caanaha ariga ee ka weyseysta caanaha geela)
xadiiska kalena waxaa wariyay ibnu maajah, waxaana laga wariyay Cabdullaahi bin Cumar (RC) inuu yiri rasuulka (SCW)
( تَوَضَّئُوا مِنْ لُحُومِ الإِبِلِ ، وَلا تَتَوَضَّئُوا مِنْ لُحُومِ الْغَنَمِ ، وَتَوَضَّئُوا مِنْ أَلْبَانِ الإِبِلِ ، وَلا تَوَضَّئُوا مِنْ أَلْبَانِ الْغَنَمِ) . تخريج
(ka weyseysta hilibka geela haka weyseysanina hilibka ariga, ka weyseysta caanaha geela haka weysaysanina caanaha ariga) .
labadan xadiis saxiix ma aha, marka culimada way isku waafaqsan yihiin inaysan caanaha geela weysada burinin.
Qofka isagoo nigis xiran ma weyseysan karaa?
Does camel milk invalidate ablution?
There is disagreement about whether camel meat breaks the fast. Imam Ahmed believes that it breaks the fast, while other scholars disagree. However, there is no disagreement about camel milk, which does not break the fast.