Site icon Daruur درور

Caalimkii yahuudiga dagaalkii Uxud ku dhintay miyuu islaamay

Caalimkii yahuudiga dagaalkii Uxud ku dhintay miyuu islaamay

Su’aasha:

Walaal ninkii yahuudiga ahaa ee la odhan jiray mukhayriiq ee dagaalkii uxud rasuulka lagalay ee kudhintay miyuu islaamay intaanu dagaalka galin mise isagoo yuhuudi ah ayuunbuu nabiga la dagaal galay si uu magaalada madina u difaaaco

Caalimkii yahuudiga dagaalkii Uxud ku dhintay miyuu islaamay
Caalimkii yahuudiga dagaalkii Uxud ku dhintay miyuu islaamay

Jawaabta:

Mukhayriiq bin Annadiir  مخيريق بن النضير  wuxuu ahaa caalim yahuudi ah oo Madiina ku noolaa waqtigii nabiga (SCW), kutubta siirada waxay sheegeen inuu nabiga (SCW) raacay oo uu dagaalka Uxud la galay oo dagaalkaas uu ku dhintay, sida laga fahmayo kutubta siirada wuu islaamay markaas ayuu dagaal galay, waxaan shaki ku jirin qof gaal ah hadduu muslimiinta taageero inuusan sidaas ku islaamaynin waxaa shardi ah inuu qiro shahaadateenka, marka Mukhayriiq sida muuqata wuu islaamay markaas ayuu dagaalka galay, taasna waxaa daliil u ah inuu ka dalbaday yahuudda inay nabiga (SCW)  taageeraan, taasna waxay tilmaamaysaa inuu ogaa inuu nabi yahay uuna aaminsanaa sidaas, guud ahaan waxaad ogaataa qof aan muslin ahayn inuusan janno galaynin xataa hadduu rumaysan yahay qeyb ka mid ah anbiyada, wuxuu yiri Alle (SW):

(إِنَّ الَّذِينَ يَكْفُرُونَ بِاللَّهِ وَرُسُلِهِ وَيُرِيدُونَ أَن يُفَرِّقُوا بَيْنَ اللَّهِ وَرُسُلِهِ وَيَقُولُونَ نُؤْمِنُ بِبَعْضٍ وَنَكْفُرُ بِبَعْضٍ وَيُرِيدُونَ أَن يَتَّخِذُوا بَيْنَ ذَٰلِكَ سَبِيلًا * أُولَٰئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ حَقًّا ۚ وَأَعْتَدْنَا لِلْكَافِرِينَ عَذَابًا مُّهِينًا * وَالَّذِينَ آمَنُوا بِاللَّهِ وَرُسُلِهِ وَلَمْ يُفَرِّقُوا بَيْنَ أَحَدٍ مِّنْهُمْ أُولَٰئِكَ سَوْفَ يُؤْتِيهِمْ أُجُورَهُمْ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا)

(Kuwa ka Gaalooba Eebe iyo rusushiisa oo dooni inay kala (Bixiyaan) Eebe iyo rusushiisa oo odhan waxaannu Rumayn Qaar waana Diidi Qaar oo dooni inay ka yeeshaan Arrintaa dhexdeeda Waddo * Kuwaasi iyaga umbaa Gaalo dhab ah, waxaana u darbannay Gaalada Cadaab wax Dulleeya * Kuwa rumeeyey Eebe iyo rusushiisa oon kala bixinin Cid ka mid ah kuwaas wuu Siin doonaa (Eebe) Ajirkooda, Eebana waa Dhaafe Naxariista).

 

Haddaad guul rabto dadka xaasidka sidan u gal

Exit mobile version