Site icon Daruur درور

Buumadayda ayaan qoyaan ku arkay qubeys miyaa layga rabaa

Su’aasha:

Suaal ayaan qabaa aniga aanan gaceynteyda adeegsan ayaan seexday markii Soo kacay waxaan arkay buumadii qoyaan ah markii aan istijaabiyay kacsigeyga waa uu jogaa.

Buumadayda ayaan qoyaan ku arkay qubeys miyaa layga rabaa
Buumadayda ayaan qoyaan ku arkay qubeys miyaa layga rabaa

Jawaabta:

Qofka asoo hurdaya  hadduu isku arko qoyaan kasoo baxay xubintiisa taranka qubeys ayaa ku waajibayo, waa janaabo, shardi ma aha inuu gacantiisa ku keeno biyaha ama inuu arko riyo galmo ama riyo kacsi leh naag qaawan iwm.

waxaa shardi ah inuu yahay qoyaan kasoo baxay xubintiisa taranka, teeda kale kuma xirna kacsiga inuu joogo iyo in kale waayo waxaa dhici karta iyadoo ay tahay shahwada mid badan oo markuu biyabaxay haddana uu dareemay wax kale marka shardi ma aha, hadduuba isku arko qoyaankaas waxaa laga rabaa inuu janaabo ka qubaysto

Exit mobile version