Site icon Daruur درور

Booraysiga darbiga ma ansaxaa

Su’aasha:

Asc Isha bidix Ayan iska Kay barartay dhaman aga garkeda waxa daday bararka wayna ixanuunaysa decaan ayana kahoraya marka biyaha wankala cabsaday gurigana Mel lugu booraysto malahan salaada marki lagaro darbiga guriga oo rangi cad lamariyay oo wax ciid ah aan laheyn Ayan gacanta Sara wajiga iyo gacmaha Ayan Mariya sida ayana kutukada marka salada masaxba

Booraysiga darbiga ma ansaxaa
Booraysiga darbiga ma ansaxaa

Jawaabta:

Haddii darbiga boor ama habaas uu leeyahay booraysiga waa ansaxayaa haddii uusan wax boor ah lahayn ma ansaxayo maxaayeelay waxaa shardi ah in lagu gabagabaysto turaab, inkastoo culimada qaar aysan shardi ka dhigin laakin daliilka wuxuu xoojinayaa kuwa shardi ka dhigay darbiga inuu lahaado boor, waxayna daliilsadeen xadiiska uu Muslim ka wariyay Xudeyfa (RC) wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(وجعلت لنا الأرض كلها مسجداً، وجعلت تربتها لنا طهوراً إذا لم نجد الماء)

(Dhulka waxaa lay nooga yeelay masjid carradiisana dahaaro haddaanan helin biyo)

Exit mobile version