Site icon Daruur درور

Boolis iyo Bajaaj balada yaa dhex dhigay

Boolis iyo Bajaaj balada yaa dhex dhigay

Boolis iyo bajaaj ayay balo dhex dhigeen, aaway damiirka dadka.

Boolis iyo Bajaaj balada yaa dhex dhigay
Boolis iyo Bajaaj Xamar iyo Xamaalasho

Qof muwadin ah oo soo doontay shaqo oo raba inuu cunto xalaal quuto intaad qori usoo qaadato ayaad qalaf ka siinaysaa.

Boolis iyo Bajaaj
Bajaajle iyo Boolis

Dhalinyarada Bajaajka ku shqaysta inta lagu taageeri lahaa ayaa la dilayaa.

Sidee dowlad lagu dhisaa haddii dadka amaankooda la ilaalin waayo.

Dowladnimada ma aha in suud iyo taay la xirto oo tuugsi lagu jiro.

Dowladnimada  waa difaaca diinta iyo damiirka.

Dowladnimada waa daryeelka dadka iyo duunyada.

Dowladnimada waa difaaca danyarta dulman.

Dowladnimada waa dejinta amaanka iyo dibudhiska dalka

Dowladnimada waa duminta dulmiga.

Dowladnimada waa darbeynta daalimka.

Dowladnimada waa dareenka dadweynaha.

Dowladnimada waa difaaca dalka.

Dowladnimada waa diididda daneysteyaasha.

Fiiro gaar: sawirka waa Kenya

Exit mobile version