Site icon Daruur درور

Barafka la cabayo caafimaadka ma dhibayaa

Su’aasha:

《Asc》”Barafka hadii biyo lagu darsado ama cabitaan qasan oo la cabo caafimaad daro miyuu keenaa ama marki la aalmiiteenayo daal miyuu qufka ukeenaa”.

Barafka la cabayo caafimaadka ma dhibayaa
Barafka la cabayo caafimaadka ma dhibayaa

Jawaabta:

Biyaha aadka u qabow oo barafka ku jira, dhib ayay u keenaan ilkaha waliba waxay halleeyaan waxa ilkaha ku daboolan oo ka ilaaliya burburka, waxaa laga yaabaa inay qofka muddo kaddib ilkaha ka daataan, markuu si darab barafka u cuno, sidoo kale qofka badsada biyaha barafka jirkiisa waxaa ka baxayo faa’idooyinka cuntada uu ka helay, jirka wuxuu u keenaa daciifnimo, sidoo kale qofka xilliga kulaylka jiro markuu cabbo baraf dhuunta ayaa laga yaabaa inuu ka xanuujiyo sida caabuqa hargabka oo kale, marka biyo baraf la cabbayo waxaa habboon inaysan ahayn kuwo aad u qabow waxaa la rabaa inay dhexdhexaad ahaadaan oona aan lagu deyn hal marka dhuunta.

Exit mobile version