Site icon Daruur درور

Ari baadi ah haddaan eey ka dhiciyo oon gowraco diinta maxay ka qabtaa

Su’aasha:

Asc waan idin salamay bahda darur media iyo akhristaha hadan ugada galo su,asheyda waxan rabaa inaad ii kala cadeyso hadaan Ri oo baadi ah cida iskalehna la ogeyn oo asigana ey qaninay oo dhiman raba ama sikale aan u irahde oo dhimasho ku dhaw yahay aan xalaleyo yacni bireeyo markas kadibn aan dariska u sheego iney arigaan eey leyihin balse ay idhahan manaqono anaga malihini oo arigas ma ii xalal mise waa ii xaraam diinta maxeysa ka qabta ariga xalaleyey oo cida iskalehna anan helin marki horeba intusan dhiman xalaleyey waa ii muhiim inan ogado arinkan xalal mise xaraam ii soojawab waa muhiim Mahadsanid.

Ari baadi ah haddaan eey ka dhiciyo oon gowraco diinta maxay ka qabtaa
Ari baadi ah haddaan eey ka dhiciyo oon gowraco diinta maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Rida eeyga qaniinay waxay qaadanaysaa xukunka baadida

Haddii baadida ay tahay xayawaan la cunayo sida ari iwm. wuu cuni karaa qofkii helay laakin waa inuu gudaa qofkii lahaa marka la helo ama wuu iibinayaa lacagta iyo sifada ayuu haynayaa haddii qofkiisa la helo ayuu ku wareejinayaa, ama wuu qaadayaa isagaa haynaya oo ilaalinaya ilaa laga helo qofka iska lahaa.

Wuxuu yiri nabiga (SCW) markii la weydiiyay baadida ariga:

 

(خُذها ، فإنَّما هيَ لَكَ أو لأخيكَ أو للذِّئبِ)

(qaado adigaa iska leh ama walaalkaaga (qof kale) ama yeyda).

Xadiiska waa saxiix

 

Wuxuu yiri Ibnu Alqayim asoo sharxaya xadiiskan:

( وفيه جواز التقاط الغنم ، وأن الشاة إذا لم يأت صاحبها ، فهي ملك المتلقط ، فيخير بين أكلها في الحال وعليه قيمتها، وبين بيعها وحفظ ثمنها، وبين تركها والإنفاق عليها من ماله ، وأجمعوا على أنه لو جاء صاحبها قبل أن يأكلها الملتقط ، له أخذها ) .

(waxaa ku sugan xadiiska inay banaan tahay qaadashada ariga, haduusan imaanin qofka iska lahaa rida waxaa iska leh kan helay, waxaa la door galinayaa inuu markaas cuno oo qiimaheeda uu gudo ama inuu iibiyo oo lacagteeda uu xafido ama inuu iska daayo oo uu lacagtiisa ku biilo, waxay isku raaceen culimadu haddii uu yimaado qofka iska lahaa intuusan cunin kan helay inuu ka qaadan karo).

Marka haddii aad gowracdo waad cuni kartaa laakin waa inaad u sheegtaa ood baafisaa muddo sannad ah dadka ri noocaas ah ayaan halkaan ku bireeyay qofka iska lahaa hadduu soo baxo waa inaad u guddaa qiimaheeda, maxaayeelay waa hantidiisa.

Exit mobile version