Aqoonta waxyaalaha lagu helo

Aqoonta waxyaalaha lagu helo

Aqoonta wax yar ma aha mana sinna aqoonyahan iyo jaahil halkaan waxaad ka arkaysaa nusuusta kusoo aroortay qiimaha aqoonta ay leedahay.

Qiimaha aqoonta waxaa ku filan qofka jaahilka ma rabo in lagu tilmaamo jaahilnimo, taas waxay daliil u tahay in cilmiga uu leeyahay qiime weyn.

Aqoonta waxyaalaha lagu helo
Aqoonta waxyaalaha lagu helo

Si kaste ay tahay qofka aqoonta leh wuu ka fiican yahay qof aan aqoon lahayn, qofka jaahilka ah xataa naftiisa wax uma tari karo iskaba daayee inuu wax u taro dadka kale. Mararka qaar qofka jaahilka wuxuu isku dayaa inuu aqoon been ah sheegto, oo uu dadka khatalo asoo iska dhigaya qof qiime leh, laakin taas wax ay tarayso lama arko, maxaayeelay aqoonta ma aha sheegasho ee waa wax qofka ku camafali karo.

Diinta islaamka meel weyn ayay geysay aqoonta aad ayay u badan yihiin nusuusta kusoo aroortay cilmiga qiimaha uu leeyahay.

Alle wuxuu yiri:

(قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ) ‏ .

(Dheh nabiyow ma siman yihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwa wax aan aqoonin waxaa uun waansama kuwa caqliga leh).

Islaamka wuxuu jecleysiiyay raadinta cilmiga wuxuuna ku boorriyay dadaalka lagu heli karo cilmiga, wax ka cad ma jiro daliilka ugu horreeyay oo soo dego ee quraanka kariimka ah, waa oraahda Alle:

{اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ * خَلَقَ الإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ * اقْرَأْ وَرَبُّكَ الأَكْرَمُ * الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ * عَلَّمَ الإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ}

(Wax ku akhri Nabiyow magaca rabbigaaga ee abuuray (khaliqiga) * aadanahana ka abuuray xinjir *akhri rabbigaaga waa kan sharafta leh * ee baray sida qalinka wax loogu qoro * aadanaha baray waxuuna aqoonin),

Sidoo kale suurad dhammaytiran oo ku sugan Quraanka kariimka waxaa lagu magacaabay magaca “qalinka”, wuxuuna ku furfurtay Alle subxaanahu wataacaalaa oraahdiisa:

{ن * وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ}

(Nuun * waxaan ku dhaartay qalinka iyo waxa malaa’igtu qorayso).

waxaa sharaf ku filan cilmiga Alle inuusan amrin nabigiisa inuu siyaado weyddiisto wax ka mid ah adduunka oon ahayn cilmiga,  wuxuu leeyahay Alle subxaanahu wataacaalaa:

{وَقُلْ رَبِّ زِدْنِي عِلْمًا}

(Dheh rabbiyow ii kordhi cilmiga),

wuxuuna caddeeyay in lagu dadaalo raadintiisa inay tahay sabab ka mid ah sababaha jannada lagu galo, wuxuu yiri:

(مَنْ خَرَجَ فِي طَلَبِ الْعِلْمِ فَهُوَ فِي سَبِيل الله حَتَّى يَرْجِعْ)

(Qofkii u baxo raadinta cilmiga wuxuu ku sugan yahay jidka Ilaahay ilaa uu kasoo laabto), wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَنْ سَلَكَ طَرِيقًا يَطْلُبُ فِيهِ عِلْمًا، سَلَكَ اللَّهُ بِهِ طَرِيقًا مِنْ طُرُقِ الْجَنَّةِ)

(Qofkii qaado jid uu cilmi ku raadinayo, Ilaahay wuxuu galinayaa jid ka mid ah jidadka jannada).

wuxuu leeyahay Alle:

{يَرْفَعِ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ}

(Ilaahay wuxuu kor yeelayaa kuwa xaqa rumeeyay iyo kuwa cilmiga leh daragooyin Allana waxa aad sameynaysaan waa og yahay),

wuxuu yiri:

{إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ }

 (Alle waxaa uun ka baqa addoomihiisa culimada, Alle waa kan cisada leh oo dambidhaaf badan),

wuxuu yiri  Alle:

{شَهِدَ اللَّهُ أَنَّهُ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ وَالْمَلَائِكَةُ وَأُولُو الْعِلْمِ قَائِمًا بِالْقِسْطِ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ}

(Alle wuxuu qirayaa inaan Alle mooyee Ilaah kale jirin, malaa’igtuna (way qiri) iyo kuwa cilmiga leh, maamulana cadaalad, Alle kale ma jiro isaga mooyee waana adkaade falsan).

wuxuu yiri rasuulka:

(إنَّ العلماءَ ورثةُ الأنبياء، وَإنَّ الأنْبِيَاءَ لَمْ يُوَرِّثُوا دِينَارًا وَلاَ دِرْهَمًا وَإنَّمَا وَرَّثُوا العِلْمَ ، فَمَنْ أَخَذَهُ أَخَذَ بحَظٍّ وَافِرٍ)

 (Cilimada waa dadka dhaxlaya anbiyada, anbiyadana ma dhaxalsiinin diinaar iyo dirham ee ay dhaxalsiiyeen cilmi qofkii qaati wuxuu qaatay nasiib weyn)

wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee –:

(وَإِنَّ فَضْـلَ الْعَـالِـمِ عَلَى الْعَـابِدِ كَفَضْلِ الْقَمَرِ لَيْلَةَ الْبَدْرِ عَلَى سَائِرِ الْكَوَاكِبِ)

(Siduu uga fadli badan yahay caalimka caabidka waa sida uu uga fadli badan yahay dayaxa xiddigaha habeenka uu dhammeystiran yahay).

wuxuu leeyahay nabigeena:

(نَضَّرَ اللَّهُ امْرَأً سَمِعَ مَقَالَتِيَ فَحَفِظَهَا فَأَدَّاهَا كَمَا سَمِعَهَا …)

(Ilaahay ha nuuriyo qofkii maqlay oraahdayda oona xifdiyay una gutay siduu u maqlay).

wuxuu leeyahay Alle asoo faraya nabigiisa:

{قُلْ مَا سَأَلْتُكُمْ مِنْ أَجْرٍ فَهُوَ لَكُمْ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى اللَّهِ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ}

(Dheh idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskaleh (haii laydin warsado), ujuuradayda Alle unbaa isiin, wax walbana Alle wuu daalacan), wuxuu leeyahay Alle asoo faraya nabigiisa

{قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِلَّا مَنْ شَاءَ أَنْ يَتَّخِذَ إِلَى رَبِّهِ سَبِيلًا}

(Dheh idinkama warsado (Xaqa Gaadhsiintiisa) ujuuro ruuxiise dooni inuu ka yeesho rabbigiisa xaggiisa waddo (Khayr ha falo)), wuxuu leeyahay Alle asoo ka hadlaya anbiyada hadalkooda: Nuux iyo Huud iyo Saalax iyo Luud iyo Shucayb – nabadgelyo korkooda ha haatee -:

{وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى رَبِّ الْعَالَمِينَ}

(Idinkamana warsanaayo xaqa ujuuro, ajrigaygana rabbiga caalamkaan ka sugi),

wuxuu leeyahay nabigeena:

 (إِذَا مَاتَ الإِنْسَانُ انْقَطَعَ عَنْهُ عَمَلُهُ إِلاَّ مِنْ ثَلاَثَةٍ ، إِلاَّ مِنْ صَدَقَةٍ جَارِيَةٍ ، أَوْ عِلْمٍ يُنْتَفَعُ بِهِ ، أَوْ وَلَدٍ صَالِحٍ يَدْعُو لَهُ)

(Qofka markuu dhinto camalkiisa wuu go’ayaa seddex waxyaabood mooyee, sadaqo soconaysa, iyo aqoon laga faa’idayo, iyo wiil suuban oo usoo duceynaya)

wuxuu dhihi jiray rasuulka:

(سَلُوا اللَّهَ عِلْمًا نَافِعًا ، وَتَعَوَّذُوا بِاللَّهِ مِنْ عِلْمٍ لَا يَنْفَعُ)

(Weddiiya Alle cilmi waxtar leh, kana magangala cilmi aan waxtaraynin), ducadiisa waxaa ka mid ahayd:

(اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عِلْمٍ لاَ يَنْفَعُ ، وَمِنْ قَلْبٍ لاَ يَخْشَعُ ، وَمِنْ نَفْسٍ لاَ تَشْبَعُ ، وَمِنْ دَعْوَةٍ لاَ يُسْتَجَابُ لَهَا)

(Ilaahayow waxaan kaa magangalayaa cilmi aan waxtarin iyo qalbi aan khushuucin, iyo naf aan dhergin, iyo duco aan la aqbalin).

wuxuu leeyahay rasuulka:

 (أَيُّمَا امْرِئٍ قَالَ لأَخِيهِ يَا كَافِرُ فَقَدْ بَاءَ بِهَا أَحَدُهُمَا ، إِنْ كَانَ كَمَا قَالَ، وَإِلاَّ رَجَعَتْ عَلَيْهِ)

(Qof kastoo walaalkiisa ku dhaho: gaalyahow midkooda ayaa la laabanaya, hadduu yahay siduu dhahay haddii kale way kusoo noqonaysaa).

waxaa laga wariyay Jaabir bin cabdillaahi -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu yiri:

خرجنا في سفر فأصاب رجلًا منا حجر فشجّه في رأسه، ثم احتلم ، فسأل أصحابه : هل تجدون لي رخصة في التيمم؟ فقالوا : ما نجد لك رخصة وأنت تقدر على الماء ، فاغتسل فمات ، فلما قدمنا على النبي (صلى الله عليه وسلم) أُخبر بذلك ، فقال (صلى الله عليه وسلم) : (قَتَلُوهُ ، قَتَلَهُمُ اللَّهُ ، أَلَا سَأَلُوا إِذْ لَمْ يَعْلَمُوا ؛ فَإِنَّمَا شِفَاءُ الْعِيِّ السُّؤَالُ ، إِنَّمَا كَانَ يَكْفِيهِ أَنْ يَتَيَمَّمَ وَيَعْصِرَ ، أَوْ  يَعْصِبَ عَلَى جُرْحِهِ خِرْقَةً ، ثُمَّ يَمْسَحَ عَلَيْهَا ، وَيَغْسِلَ سَائِرَ جَسَدِهِ)

(Safar ayaan u baxnay nin naga mid ah ayaa dhagax ku dhacay madaxa ayuu ka dakhray, kaddib ayuu isku junubay wuxuu weyddiiyay dadka uu la socday: ma ii halaysaa rukhso inaan gabagabbaysto? waxay dhaheen: kuuma heli karno rukhso adoo biyaha awoodo wuu qubeystay wuuna dhintay, markaan u nimid rasuulka waa loo sheegay arrinkaas wuxuu yiri: (way dileen Alle ha dilee maxay weyddiin waayeen haddayna garanin jaahilka daawadiisu waa su;aale, waxaa ku filnaa inu gabagabbaysto oo uu dhaawiciisa ku duubo good kaddib uu masaxo oo uu dhaqo jirkiisa inta kale)

, wuxuu leeyahay Alle:

{وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ}

(Mana yeelin Diinta Dhib),

wuxuu leeyahay nabigeena:

(بَشِّرُوا ، وَلَا تُنَفِّرُوا ، وَيَسِّرُوا ، وَلَا تُعَسِّرُوا)،

(Bishaareeya hana didinina, fududeeya hana adkeynina)

Fatwooyinka in la ad’adkeeyo waa wax khilaafsan dhexdhexaadka Islaamka oo ay diinta Islaamka xaniifka ay la gaar noqotay, wuxuu yiri Alle:

{وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا لِتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ}

(Saasaan idinka dhignay umad dhexdhexaad si aad marag ugu noqotaan dadka), wasadiyada waxaa laga wadaa cadaalad iyo dhexdhexaad iyo in laga fogaado xadgudubka oo sabab u noqday halaagga umadaha wuxuu leeyahay nabigeena:

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِيَّاكُمْ وَالْغُلُوَّ فِي الدِّينِ، فَإِنَّمَا أَهْلَكَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمُ الْغُلُوُّ فِي الدِّينِ)

(Dadow iska jira xadgudubka diinta, dadkii idinka horreeyay waxaa halaagay xadgudubka diinta),

{رَبَّنَا آتِنَا فِي الدُّنْيَا حَسَنَةً وَفِي الْآخِرَةِ حَسَنَةً وَقِنَا عَذَابَ النَّارِ}

(Rabbiyo na sii adduunka wanaag, aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree cadaabka naarta).

 

Islaamka meesha uu geeyay aqoonta

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More