Site icon Daruur درور

Anoo lacag badanoo dollar ah jeebka ku wata dadna caawinaya

Su’aasha:

asc waad mahadsan tihiin guud ahan webka daruur gaar ahaan qaybta fasirka riyada Allah macak
waxaan ku riyooday anoo jeebka ku sita lacag badanoo dollar ah
waxaanan caawiyay 4 nin
waxaan $ 50 siiyay sheekh xaafadayada ah ama imaam ka masjid noo dhaw ah
waxaan kaloon $17 dollar siiyay sadex ninoon garanaayo midkiiba $17
waxaan arkayay midkamid ah ayaa saluugayay
oo rabay inloo kordhiyo ana waan dareemay waxaanan ku tashaday inaan si gaara wax u siiyo
si gaara
Allah mahadle

Anoo lacag badanoo dollar ah jeebka ku wata dadna caawinaya
Anoo lacag badanoo dollar ah jeebka ku wata dadna caawinaya

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad yeelan doonto hanti badan oo aad caawin doonto dad fara badan, riyada waxaa laga fahmayaa inaad noqon doonto nin liibaanay, maxaayelay camalka waxaa ugu fiican dad dhiban in la caawiyo.

Waliba riyada waxaa ku jirta awood iyo madaxnimo lacagta doolarka waxay tilmaamaysaa awood iyo xukun.

Marka riyada waa riyo aad u khayr badan Ilaahay khayrka haku waafajiyo.

Exit mobile version