Site icon Daruur درور

Anoo janaabo qaba hadaan biyo caadi ah ku qubeysto qubeyska ma iga dhacay?

Su’aasha:

Asc wallaal saakey ayaan siigeystay waan biyo baxay waxaan ku qubeystay biyo caadi ah hadaan biyo caadi ah oo saabuun iyo shaambo lahayn ku qubeysto ma iga fulaa qubeyskaas.

Anoo janaabo qaba hadaan biyo caadi ah ku qubeysto qubeyska ma iga dhacay?
Anoo janaabo qaba hadaan biyo caadi ah ku qubeysto qubeyska ma iga dhacay?

Jawaabta:

WCS marka hore iska jooji siigada aad samaynayso, dhib badan ayay leedahay waana wax fool xun, marka labaadna qubayska waajibka ah waa shardi ah kaliya biyo daahir ah oo jirka oo dhan lawada gaarsiinayo inaad ku qubaysato, sabuun shardi ma aha iyo shaambo, marka qubayska wuu ansaxaa maadaama aad biyaha wada gaarsiisay jirka oo dhan.

Exit mobile version