Anoo iskaga shakisan inaan hurdada ku biyo baxay salaada ansax miyaa
Su’aasha:
Haduu ninka riyo ku biyo boxo isagoo aan waxba dareemin hadana isagoo iska shakisan uu tukado ka dibna uu gadaal ka arko inuu saas ku biyo baxay salaadaas ansax ma noqoneysaa?
Jawaabta:
Qofka hadduu biyo isku arko markuu kasoo tooso hurdada qubays ayaa laga rabaa haka shakiyo inuu riyo arkay ama yuusan ka shakinin, hadduu salaad tukado salaaddaasna waa baadil, laakin haddii qofka uu riyo arko oo uusan wax ku arkin maradiisa qubays kuma waajibayo ilaa uu yaqiin ka arkaro biyaha shahwada, shaki waxba ma aha.