Anigoo salaad maqrib waysaysanaya meel wada dooga adhi badana joogo
Su’aasha:
Asc waadku mahadsantihiin tixgalintiina
waxan ku riyooday aniga oo waysaysanaya salaad maqrib meel wada dooga oo adhi badana joogo markan waysadii dhamaystayna aanu salaadii ku tukanayno hool wayn rag iyo dumarba Allah mahadle.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ka bixi doonto wixii dhib ah ku haystay oo aad gali doonto barwaaqo, sidoo kale inaad heli doonto dambidhaaf, sidoo kale qof diinta ku taagan ayaad noqon doontaa, waa riyo tilmaamaysa wanagga aduun iyo aakhiro aad heli doonto.