Site icon Daruur درور

Alaab la iibiyay oo lacagteeda soo daahday ribo miyaa

Su’aasha:

Asc waxaan ibiyay alaab lkn lacagtii aya laydhahay aan kusoo qaado balse lacagtii ayaa laygala raagay amaahna maysoo galin meesha tasi ribo manoqon kartaa

Alaab la iibiyay oo lacagteeda soo daahday ribo miyaa
Alaab la iibiyay oo lacagteeda soo daahday ribo miyaa

Jawaabta:

Alaab aad iibisay oo lacagteeda kaa soo daahday ribo ma noqon karto, qof alaab deyn waad ku siin kartaa waxna waad amaahin kartaa waqti ayaad ku heshiinaysaan, ribada waa marka labo lacag laysku sarifayo iyo wixii la mid ah, waxaa shardi ah inaysan kala badanin sidoo kale in gacan ka gacan laysku guddoonsiiyo.

Exit mobile version