Riyada jiirka kugu Soo ordaya

Su’aasha:

Asc waxaan ku riyooday jiir ama dooli oo igusoo ordaya oo raba in hoosta uu iga galo anigana inaan iska qabto Ayaan rabaa ugu dambeyn intaan qabto Ayaan derbiga ku dhufanayaa Si Ficil ah ayaan u sameenayaa arinkaas anoo kasoo Hambabaray hurdada waxaan shitay light-ka waxna ma arkin hurdada ayaan isaga noqday markii dambana hurdada ayaa iga qasantay in mudo ah ayaa hurdada iga Soo dhici wayde Marka aan indhaha is geliyana waxaan dareemayaa inaan Miir daboolmi rabo.

Riyada jiirka kugu Soo ordaya
Riyada jiirka kugu Soo ordaya

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa qof liito oo dhib kula rabay inaad ka adkaan doonto, waxaa laga rabaa inaad iska jirto dadka qaar oo labada weji leh oo iska dhigaya inay daacad kuu yihiin laakin hoos xumaan ka wata.
Wareerka aad dareentay waxaa laga yabaa inuu ka ymid naxdinta aad ka naxday riyada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More